Marcus Rashford Oo Magacaabay Geesigii Aan Loo Heesin Ee

Marcus Rashford ayaa rumaysan in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu mudan yahay in looga mahad-celiyo, lana siiyo amaanta guusha kulankii Paris Saint-Germain ay kasoo gaadheen xalay ee tartanka Champions League.

- Advertisement -

Manchester United ayaa 2-1 kusoo garaacday PSG kulanka furitaanka Group-ka dhimashada ee H, taas oo ay kasoo heleen saddexda dhibcood.

Solskjaer ayaa khatar badan u badheedhay ciyaartan, waxaana uu qaatay go’aamo uu isbeddello waaweyn ugu sameeyey safkiisa, isaga oo kusoo bilaabay Axel Tuanzebe oo kulankiisii ugu horreeyey tan iyo 2019 ka soo muuqday Manchester United, sidoo kale Fred iyo Scott McTominay ayaa uu ka doortay Paul Pogba iyo Donny van de Beek oo kaydka ku jiray.

Luke Shaw ayaa uu kula soo dardaarmay inuu caawiyo difaacyahannada dhexe maadaama uu orod dheer leeyahay, isla markaana uu la qabto Kylian Mbappe iyo Neymar.

Marcus Rashford ayaa United u dhaliyey goolka guusha ciyaarta oo sii dhamaanaysa, waxaana markii ay garoonka ka baxeen uu la hadlay telefishanka kooxda ee MUTV.

Laacibkan ayaa magacaabay geesigii aan loo heesin ee ciyaarta, waxaana uu u doortay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay ku guuleysteen taatikadiisa uu isbeddelka ku sameeyey ee PSG ay ku khalkhashay.

“Dhab ahaantii waa dareen wanaagsan. Waxa ay ila tahay inaanu si fiican u ciyaarnay qaybihii ugu dambeeyey ciyaarta, qaar ka mid ah go’aamadii qaybta hore iyo xataa qaybta dambe xoogaa way liiteen. Waana inaanu horumar ka samayno.” Ayuu yidhi Marcus Rashford.

Intaa kaddib waxa uu amaanay tababare Solskjaer, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in tababaruhu uu ahaa midka guusha keenay. Nidaamka ciyaareed ayaa noo ogolaaday inaanu naftayada soo bandhigno oo aanu hore u socono, isla markaana aanu isku dayno inaanu adkayno difaaca, taas oo ay ila tahay inaanu si fiican u qabanay.

“Waxay ahayd guul weyn, waana meel fiican oo ay tahay inaanu joogno, sababtoo ah wax badan ayaanu dhisnay, sidoo kalena aanu horumar ka samaynay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More