“Manchester United Waxay U Baahan Tahay Afar Saxeex Oo Bruno

Manchester United waxay u baahan tahay inay lasoo saxeexato afar ciyaartoy oo kale oo sida Bruno Fernandes oo kale ah, si ay ugu tartami karto horyaalka Premier League. Sidaa waxa rumaysan weeraryahankii hore ee Red Devils ee Louis Saha.

- Advertisement -

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaartooyo cusub ku kharash gareeyey lacag dhan £200  milyan oo Gini oo uu keenay Old Trafford muddadii koobnayd ee uu xilka hayay, waxaana ka mid ah laacibiinta uu keenay Harry Maguire, Aaron Wan-Bissaka, Fernandes iyo Donny van de Beak, halka uu Alex Telles kusoo xidhay saxeexyadii xagaagii tegay.

Laakiin saxeexyadani uguma filna inay koobab ku guuleysan karaan, illaa ay kusoo kordhiyaan afar ciyaartoy oo Bruno Fernandes oo kale ahna lama tartami karayaan Liverpool iyo Manchester City, sida uu qabo Louis Saha.

United ayaa ku jirta kaalinta 14aad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan iyadoo saddex mar oo kaliya guuleysatay toddobadii kulan ee ay dheeshay, saddex laga badiyey iyo mid barbarro ahna u raaceen.

Burno Fernandes oo bishii January ay kala soo wareegeen Sporting Lisbon ayaa 33 kulan oo uu u ciyaaray wuxuu u dhaliyey 18 gool iyo 13 caawimood oo uu sameeyey, waana sababta uu Saha u rumaysan yahay in afar isaga oo kale ah ay kooxdu lasoo saxeexato.

Louis Saha oo u warramay Stadium Asto, ayaa yidhi: “Diiraddu waxay saaran tahay Ole Gunnar Solskjaer. Laakiin waa inay sidoo kale eegaan shaqaalaynta. Saxeexyada qaarkood sida Fred oo £47 milyan oo Gini ay kusoo iibsadeen, waad aragtaan tayadiisa laakiin isbeddelka noocaas ah ma samayn karayo.

“Saxeexa Fernandes, waxaad uga baahan tihiin afar kale. Waxaad u baahan tihiin in afartuba ahaadaan kuwo dhamaystiran, taas ayaa ah waxa dhiman. Waad ogtihiin maskaxda ciyaartoyda cusub.

“Waxaan doonayaa in ciyaartoyda halkaa joogaa ay noqdaan kuwo doonaya inay ku guuleystaan Champions League iyo iyo inay hantiyaan koobab waaweyn. Taas ayaa ah wax looga baahan yahay halkan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More