Manchester United Oo Guul-darro Kale Loogu Soo Dhiibay

Manchester United ayaa guul-darro kale oo xanuun badan la kulantay, waxaana 2-1 ku garaacday kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir.

- Advertisement -

Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Istanbul, gaar ahaan garoonka loogu magac-daray tababaraha xulka qaranka ee Fatih Terim ayaa waxa Manchester United lagu ciqaabay laba gool oo qaybta hore laga dhaliyey oo lagaga faa’iidaystay dhoohanaanta difaacooda, halka goolka madiga ahna ay la yimaaddeen intii aanay u bixin waqtiga nasashada.

Daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta ayuu weeraryahanka Muslimka ah ee Demba Ba uu kubbad ka helay badhtamaha garoonka iyadoo ay ciyaartoyda United weerar ku wada maqan yihiin, waxaanu ku hubsaday shaqabaqa uu waardiyaha ka ahaa Dean Henderson oo beddelay David de Gea. Ba ayaa ku sujuuday garoonka dhexdiisa, kaddib markii uu goolka dhaliyey.

Dhamaadka qaybta hore ayay Istanbul Basaksehir dhashatay gool labaad, waxaana u saxeexay Visca iyadoo lagu ciqaab kubbad laga boobay Juan Mata.

Manchester United ayaa goolkeeda madiga ah heshay daqiiqaddii 43aad ee dhamaadka qaybta hore, waxaana madax ugu dhaliyey Anthony Martial.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER UNITED (4-1-3-2): Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Axel Tuanzebe, Harry Maguire, Luke Shaw; Juan Mata, Nemanja Matic, Bruno Fernandes; Donny van de Beek; Anthony Martial, Marcus Rashford.

Kaydka: David de Gea, Victor Lindelof, Paul Pogba, Edinson Cavani, Mason Greenwood, Fred, Daniel James, Timothy Fosu-Mensah, Odion Ighalo, Brandon Williams, Scott McTominay, Teden Mengi.

ISTANBUL BASAKSEHIR (4-2-3-1): Fehmi Mert Gunok; Rafael, Martin Skrtel, Alexandru Epureanu, Boli Bolingoli-Mbombo; Danijel Aleksic, Irfan Can Kahveci; Edin Visca, Berkay Ozcan, Deniz Turuc; Demba Ba.

Kaydka: Volkan Babacan, Mehmet Topal, Ahmet Said Kivanc, Giuliano, Fredrik Gulbrandsen, Carlos Ponck, Emre Kaplan, Enes Karakus.

Solskjaer ayaa kulankii ugu horreeyey ee Champions League ah waxa uu kusoo bilaabay Dean Henderson isaga oo kaydka dhigay David de Gea. Lix beddel oo uu tababaruhu ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Arsenal ee guul-darradu kasoo gaadhay ayaa waxa kale oo uu keenay Tuanzebe, Mata, Van de Beek, Matic iyo Martial halka ay kaydka kasoo muuqdeen Fred, De Gea, Pogba, Greenwood, Lindelof iyo McTominay.

Daqiiqaddii 10aad ayay Manchester United ku dhowaatay inay ciyaarta hoggaanka u qabto kaddib markii uu Van de Beek kubbad u dhiibay Luke Shaw oo isaguna kubadda kusoo ganay dhinaca goolka balse Rashford iyo Martial oo ay ahayd inay goolka ku leexiyaan ayaa ka habsaamay.

Visca ayaa ku qasbay Manchester United inay dib u fadhiistaan, waxaana uu helay fursad uu xerada ganaaxa United kusoo galo, waxaana uu kubadda ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Henderson hase yeeshee waxyar ayay ka leexatay bartilmaameedkiisii.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Demba Ba ayaa hoggaanka u dhiibay kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir, waxaana kubbad loosoo tooray isaga oo taagan badhtamaha garoonka uu ula tegay goolhaye Henderson oo kalidii ah oo uu dhinaca midig ka dhigay, waxaana uu halkaas ku sameeyey SUJUUD uu Allah ugaga mahad celinayo.

RIKOODH!!! Xiddiga Muslimka ah ee Demba Ba ayaa rikoodh taariikhi ah loogu diiwaangeliyey goolkan, waxaanu ciyaartoygii labaad ee Afrikaan ah ee ugu da’da weynaa ee gool ka dhaliya tartanka Champions League. Waxa kaliya ka horreeyey Didier Drogba oo November 2014 gool dhaliyey iyadoo ay da’diisu jirtay 36 sannadood iyo 259 maalmood

Waxa kale oo Demba Ba ay u ahayd markii labaad ee xidhiidh ah ee kulamo Champions League ah uu kusoo bilowdo tan iyo Dece,ner 2013, waqtigaas oo isagoo Chelsea ka tirsan uu ciyaartiisii labaad ka hor yimid FCSB. Lix sannadood iyo 329 maalmood ayaa kasoo wareegay.

Tuanzebe ayaa nasiibkiisu shaqeeyey caawa, waxaana uu ka badbaaday in casaan toos ah la siiyo kaddib markii uu soo qabsaday oo uu dhulka ugu tuuray Demba Ba oo goolka kubbad kula sii socday, isla markaana aanay jirin cid kale oo aan ahayn Henderson oo ka horreysay. Garsooraha ayaa go’aansaday inuu kaadh digniin ah siiyo, iyadoo uu u qalmayay CASAAN.

Manchester United ayaa samaysay dhawr fursadood oo qaali ah oo ay goolal ku dhalin karaysay, waxaana ka diiday difaaca Istanbul Basaksehir oo kaashanaya goolhayooda.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Visca ayaa gool labaad u dhaliyey Istanbul Basaksehir, waxaanu ciyaarta ka dhigay 2-0.  Turuc ayaa ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Juan Mata oo uu kubadda ka boobay, waxaana uu usoo dhiibay Visca oo laag awood badan ku dhaafiyey Henderson.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Martial ayaa Manchester United u dhaliyey gool madax ah, laba daqiiqadood kaddib goolka labaad ee laga dhaliyey, waxaana qaybta hore ay kusoo dhamaatay 2-1.

Qaybta labaad ayay Manchester United ku bilaabatay dardar, waxaana dedaal uu sameeyey Fernandes soo badbaadiyey Gunok.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa laba beddel mar kaliya soo wada geliyey, waxaanu keenay Paul Pogba iyo Edinson Cavani isaga oo saaray Juan Mata iyo Van de Beek.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu darayay ayay Manchester United ku dhowaatay inay gool dhaliso, waxaana kubadda oo sii gelaysa goolka, isla markaana laynka dushiisa saaran la baxsaday Istanbul Basaksehir laacibka Epureanu oo kubadda kasoo saaray.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir oo garoonkeeda Fatih Terim Stadium lagu ciyaarayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More