Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxeexanaysa

Kooxda Manchester United ayay soo baxeen warar sheegaya inay heshiis cusub ka saxeexanayso tababare Ole Gunnar Solskjaer iyadoo waliba loo samaynayo mushahar kordhin fiican taas oo muujinaysa sida ay wali maamulka kooxdaasi taageerada ula daba taagan yihiin.

- Advertisement -

Man United ayaa wareega siddeed dhammaadka hadda u joogta tartanka Europa League waxaana loo arkaa kooxda ugu cad cad ku guuleysigiisa kaddib markii ay kaga soo gudbeen AC Milan wareegii 16-ka.

Haatan wargeyska The Mirror oo warbixin cusub ka qoray mustaqbalka Ole ee Old Trafford ayaa sheegay in tababaraha ree Norway heshiis cusub oo weyn qalinka loogu duugi doono iyadoo aan wax shuruud koob ah lagu xidhin isla markaana lagu xukumi doonin waxa uu xilli ciyaareedku ku dhammaado.

Wargeyska ayaa sheegaya in mushaharka uu hadda Solskjaer ka qaato Man United ee 7.5 Milyan pound-ka ah sanadkii looga dhigi doono 10 Milyan oo pound isla markaana uu qalinka ku duugi doono qandaraas saddex sano ah.

Guddoomiye ku xigeenka fulinya ee Manchester ee Ed Woodward ayaa la fahamsan yahay inuu ku qanacsan yahay in Solskjaer uu jihada saxda ah u wado kooxda iyagoo haatan booska labaad kaga jira miiska kala sarreynta Premier League.

Red Devils ayaa xilli ciyaareedkan aad uga sarreeya sidii laga filayay kaddib markii ay ku fashilmeen suuqii xagaaga ee 2020 iyaga oo kaliya ka dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Man City.

Man United ayaa siddeed dhibcood ka sarreysa kooxda booska shanaad ee West Ham United waxaana ay maamulka sarre ee kooxdu la dhacsan yihiin hab maamulka Solskjaer ee mudada labada sano iyo badhka ku dhaw.

Wararka sheegaya in Man United ay heshiis cusub ka saxeexanayso Solskjaer ayaa noqday mid ay taageerayaasha kooxdaasi cadho kaga fal-celiyeen baraha bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More