Madax-Xanuunka Dhaawacyada Ee Juventus Oo Sii Socda, Xiddig

Daafaca dhexe ee kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee qayb ka ah kooxdaas ee shaki la gelinayo fursada uu u haysto inuu ka qayb qaato kulanka adag ee ay habeen dambe la yeelan doonaan dhigooda Barcelona.

- Advertisement -

Daafaca ree Talyaani ayaa ciyaartii ay kooxdiisu toddobaadkan bar-bardhaca 1-1 ah lasoo gashay ee Serie A ka tirsanayd ee ay Verona la yeesheen bedel ku baxay daqiiqadii 75-aad kaddib dhaawac bawdada ah oo gaadhay.

Sida lagu sheegay bogga hore ee wargeyska Spain caanka ka ah ee Diario AS, Leonardo Bonucci ayuu shaki weyni ku jiraa fursada uu kaga qayb qaadan karo ciyaarta Barcelona.

Juventus ayaa dhawaan warbixin rasmi ah oo ay kasoo saartay xaalada caafimaad ee Bonucci ku sheegtay inaysan wax dhibaato ah oo weyni gaadhin balse wararka ayaa sheegaya in fursada uu u haysto ciyaarta habeen dambe ay tahay mid aan hubaanti ahayn.

Arrinta madax-xanuunka ka dhigaysa dhaawaca gaadhay Leonardo ayaa ah inay Bianconeri horeba uga maqnaayeen labada daafac dhexe ee kala ah kabtan Giorgio Chiellini iyo Matthijs De Ligt.

Tababaraha saaxada macalinimo ku cusub ee Andrea Pirlo ayaa haddiiba uu hubaal noqdo maqnaanshaha Bonucci ku qasbanaan doona inuu daafaca dhexe ee kooxdiisa ku mideeyo Danilo oo asal ahaan daafac garab ah iyo Merih Demiral.

Sidoo kale daafada bidix ee Juventus ee Alex Sandro ayay hubaal tahay inuu ka maqnaan doono ciyaartaas balse warka ugu muhiimsan ayaa ah midka Cristiano Ronaldo oo ku maqan sababta xanuunka Korona Fayras oo dhawaan laga helay.

CR7 ayaa lagu dari doonaa liiska xiddigaha Juve u metelaya kulanka Barca haddiiba laga waayo xanuunka baadhitaanada lagu samayn doono 24-ka saac ee kulanka ka horreeya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More