Liverpool Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaartey Sheffield United

Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Sheffield United oo ay isku haleeleen garoonka Anfield, taas oo Reds ay ugu soo laabatay jidka guusha.

- Advertisement -

Sheffield United ayaa gool rikoodhe ahaa kala hormartay Liverpool daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta kaddib markii uu Fabinho qalad ku galay McBurnie oo lugaha kula jiray xerada ganaaxa, waxaana gool u sarrifay rikoodhahan Sander Berge.

Liverpool ayaa dhamaadka qaybta hore la timid goolka barbarraha, waxaana kubbad uu meel fog kasoo tuuray Jordan Henderson madax ku qabtay Sadio Mane oo ku qasbay goolhaye Aaron Ramsdale inuu sameeyo badbaadin uu kubadda xajisan kari waayey, waxaana kubadda oo soo boodday ku celiyey Roberto Firmino oo goolka oo madhan dhaliyey.

Qaybtii dambe ayay Liverpool dhashatay gool labaad oo uu u dhaliyey Mohamed Salah, laakiin dabbaal-deg kaddib waxa laacibkan lagu qaaday inuu offside ku jiray ka hor intii aanu goolka dhalin.

Saxeexa cusub ee Reds ee Diogo Jota ayaa kooxdiisa hoggaanka u dhiibay laba daqiiqadood kaddib goolka Salah laga diiday, waxaana uu madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Sadio Mane oo lugtiisa bidix adeegsaday, halkaas ayaanay Liverpool ka bilowday dabbaal-degga ay niyadda ku gashadeen inay jidka guusha kusoo laabteen.

Shaxdii labada kooxood

SHEFFIELD UNITED XI (3-5-2): Aaron Ramsdale; Chris Basham, John Egan, Ethan Ampadu; George Baldock, John Lundstram, Sander Berge, Ben Osborn, Enda Stevens; Oliver McBurnie, Rhian Brewster.

Kaydka: Phil Jagielka, Jack Robinson, Michael Verrips, Billy Sharp, David McGoldrick, Oliver Burke, Oliver Norwood.

LIVERPOOL XI (4-2-3-1): Alisson; Andrew Robertson, Joe Gomez, Fabinho, Trent Alexander-Arnold; Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum; Sadio Mane, Roberto Firmino, Diogo Jota; Mohamed Salah.

Kaydka: James Milner, Adrian, Curtis Jones, Takumi Minamino, Xherdan Shaqiri, Nathaniel Phillips, Neco Williams.

Tababare Jurgen Klopp ayaa afar beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Everton toddobaadkii hore, waxaana kusoo laabtay kooxda Alisson Becker oo muddo dhaawac ku maqnaa, sidoo kalena Gomez ayaa kusoo garab bilowday Fabinho, halka uu gebi ahaanba ciyaarta ka maqnaa Joel Matip oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Merseyside derby. Van Dijk oo dhaawac ahaa iyo WIjanldum oo beddelay Thiago Alcantara oo dhaawac ah ayaa iyaguna isbeddelka kulanka ka mid ahaa.

Sheffield United ayaa Liverpool kaga naxsatay gool rikoodhe ahaa oo uu daqiiqaddii 13aad u dhaliyey Berge, waxaana lagu abaal-mariyey qalad uu Fabinho ku galay McBurnie oo ay kooxdiisu ku doodday inuu laag xor ah yahay, laakiin lugta kula jiray xerada ganaaxa ah.

Rikoodhahan laga dhaliyey Liverpool ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee lagu dhigo kulan ka tirsan horyaalka Premier League iyagoo ku ciyaaraya garoonka Anfield muddo laba sannadood iyo 17 maalmood ah, waxaana ugu dambaysay October 2018 oo Manchester City loo qabtay rikoodhe ciyaar ay barbarro 0-0 ah ku kala baxeen.

Liverpool ayaa kubadda si fiican u wareejisay oo khadka dhexe iyo dhinacyadaba ka keenaysay, iyadoo adeegsanaysay Sadio Mane oo orodkiisa uga faa’iidaynayay kooxdiisa.

Kubbad uu meel fog kasoo tuuray Jordan Henderson ayaa waxa madaxa ku qabtay Sadio Mane waxaase la kulmay oo ka badbaadiyey goolhaye Ramsdale, waxaase heegan ahaa Roberto Firmino oo goobta ku sugnaa oo kubadda ku celiyey goolka Sheffield United oo waqtigaas madhnaa, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-1.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Liverpool heshay gool uu u dhaliyey Mohamed Salah daqiiqaddii 62aad, waxaana markii ay damaashaadka dhamaysteen ay ogaadeen in goolka ay dhaliyeen uu yahay Offside.

Henderson iyo Robertson ayaa kubbad isku dhiibay, waxaanu difaaca bidix usii gudbiyey Sadio Mane oo laynka dhinaca bidix ee garoonka taagnaa, iyadoo uu xiddiga reer Senegal kubadda kusoo eryaday laacib Sheffield United ka tirsan oo halkaas joogay ka hor intii aanu lugtiida bidix kubadda kusoo jabin.

Diogo Jota ayaa kubadda uu Sadio Mane soo qaaday madaxa la helay, waxaanu goolhaye Ramsdale arkay kubadda oo dhinaciisa bidix ka gashay goolka, halkaas oo Liverpool ay hoggaanka ciyaarta si buuxda ugula wareegtay.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Liverpool ku dhowaatay inay gool kale hesho, laakiin waxay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More