LAGU KALA BAX!! Akhriso Isbar-Bardhiga Rasmiga Ah Ee Afarta Daafac
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa si rasmi ah shalay ugu dhawaaqay liiska 26-ka ciyaaryahan ee sida rasmiga ah uga qayb galaya tartanka EURO ee bishan bilaabmaya.
- Advertisement -
Tababare Southgate ayaa xushay xiddigo weerarka xulkiisa wax uga keeni kara oo kala ah Phil Foden, Raheem Sterling, Harry Kane iyo Marcus Rashford.
Sidoo kale inay kusoo baxeen xulashada Jack Grealish iyo Mason Mount ayaa muujinaysa inay heli doonaan hal abuur fursadeed oo fiican.
Si kastaba, tababare Southgate ayaa soo xushay afar daafac midig iyadoo ay go’aankaas kula yaabeen dad badani maadaama oo uu hal boos u qaatay afar ciyaartoy.
Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa isbar-bardhiga rasmiga ah ee dhammaan afartaas daafac midig iyo sida ay waxyaabaha qaar ugu kala fiican yihiin.
ISBAR-BARDHIGA OO FAAH-FAAHSAN
Kulamada Ay Ciyaareen
1. TAA: 362. James: 323. Trippier: 284. Walker: 24
Taakooyinka (Taakalada) Ay Sameeyeen
1. Trippier: 612. TAA: 563. James: 554. Walker: 29
Kubaddaha Ay Goolkiisa Ka Saareen/Fogeeyeen
1. Trippier: 472. James: 433. TAA: 434. Walker: 22
Karoosyada
1. TAA: 1992. James: 1083. Trippier: 664. Walker: 38
Fursadaha Ay Abuureen
1. TAA: 772. James: 423. Trippier: 344. Walker: 8
Caawimooyinka Ay Sameeyeen
1. TAA: 72. Trippier: 63. James: 24. Walker: 1
Isbar-Bardhiga Guud
TAA: 21Trippier: 18James: 16Walker: 6
Adigu Akhriste midkee Ayaad Jeclaan Lahayd Inuu Booska Daafaca Midig Ugu Soo Bilawdo England? Faaladaada noogu reeb qaybta hoose.