Kuma Biirayo!! – Wakiil Jorge Mendes Oo Si Caddaan Ah U Tilmaamay Hal
Wakiilka weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo lagu magacaabo Jorge Mendes ayaa meel saaray wararka sheegaya in xiddiga uu masuulka ka yahay ku laabanayo kooxda waayihiisa ciyaareed uu kasoo bilaabay ee Sporting Lisbon.
- Advertisement -
Mustaqbalka Ronaldo ayaan ahayn mid meel lagu hubo muddooyinkii ugu dambeeyay kaddib markii ay Juventus weyday horyaalka Serie A markii ugu horreysay mudo 10 sano ah isla markaana wareega 16-ka kaga hadhay Champions League.
Wararka la xidhiidhinaya bixitaan ayaa noqday kuwo dabku kusii huray kaddib markii hooyada Ronaldo ee Dolores Aveiro ay qaar kamida taageerayaasha Sporting u sheegtay inay isku dayi doonto in wiilkeedu kooxdaasi ku biiro,
Laakiin haatan Jorge Mendes oo la hadlay wargeyska File ee dalka Portugal ayaa meesha ka saaray fursada uu CR7 ugu laaban karo Sporting Lisbon hadda.
Jorge ayaa yidhi “Cristiano waa mid u han weyn horyaalka ay ku guuleysatay Sporting, dhab ahaan sida uu dadka kahor muujiyay, laakiin wakhti xaadirkan qorshaha waayihiisa ciyaareed ma aha Portugal”
Haddiiba rabitaanka hooyadii uu dhaboobo oo ay ku qanciso inuu ku biiro Lisbon halkaas oo uu kasoo bilaabay xirfadiisa sanadkii 2002 kahor inta uusan Man United u wareegin.
Si kastaba, Ronaldo ayaa la filayaa inuu Juventus ka codsan doono inay iska fasaxdo haddiiba ay kooxdu awood u yeelan waydo inay Champions League ka qayb gasho xilli ciyaareedka dambe xilli ay hadda booska 5-aad ee Europa League lagaga qayb galo kaga jiraan Serie A.