Koox hubeysan oo Askar katirsan Booliiska

Koox la sheegay in ay wadatay Bastoolad ayaa weerartay Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya oo ilaalo ka ahayd Isgoyska Siinaay oo kulmiya Degmooyinka Warta Nabadda, Boondheere & Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Iska hor imaad kooban ayaa dhexmaray Ciidanka iyo kooxda weerartay, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac sida ay Axadle u sheegeen qaar kamid ah Dadka deegaanka, waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.

Saddex Askari ayaa la sheegay in la dilay, waxaana ay kamid ahaayeen ilaalada bar kontorool oo lagu hubiyo Gawaarida & Mootooyinka ka tallaaba wadada Wadnaha isla markaana u socda dhanka Degmada Boondheere.

Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta tagay ayaa baaris sameeyay, waxa ay qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dilkaas ama wax ka ogaa oo u badan shaqsiyaad ku qaxweynayay maqaaxiyo goobta u dhaw.

Booliiska Soomaaliya kama uusan hadlin weerarkaan lagu dilay Ciidamadaan ilaalada ka ahaa Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, inta badan weeraradaan waxaa sheegata Al-Shabaab oo dusha saaraya mas’uuliyadda.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa xarumo hubin ka sameystay Isgoysyada Muqdisho, maadaama la xiray jid-caddayaasha dhexmara Xaafadaha, waxaana ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Gaadiidka, Mootooyinka iyo dadka la socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More