Khabiir Shaaciyey In Goolkii Karim Benzema Ka Dhaliyey Chelsea Uu

Goolkii barbarraha Actual Madrid ay ka dhalisay Chelsea kulankii xalay ee lugta hore ee semi-finalka Champions League ayaa la sheegay in uu ahaa caddaalad-darro lagu sameeyey Blues.

- Advertisement -

Chelsea ayaa 25kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, waxay muujisay awood xad-dhaaf ah iyagoo helay fursado ay ku dhalin karayeen illaa saddex gool.

Christian Pulisic ayaa daqiiqaddii 14aad Chelsea u dhiibay hoggaanka, waxaanu goolkaasi ahaa mid aanay wax dood ahi ka imanin oo ay Los Blancos is arkaysay in si xarrago leh looga dhaliyey.

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa kooxdiisa Actual Madrid u dhaliyey goolka barbarraha 15 daqiiqadood kaddib goolka Pulisic, waxaanu goolkiisu yimid waxyar kaddib markii uu birta ku garaacay laad awood badan oo uu ku khalkhaliyey Mendy.

Goolka barbarraha ee uu dhaliyey Karim Benzema ayey ahayd in aan la ogolaanin oo uu garsooraha ciyaartu ka diido, sababtoo ah, waxa qalad sameeyey Casemiro ka hor intii aanu kubadda madaxa kusoo celin.

Khabiirka garsoorka ee Juan Andujar Oliver oo reer Spain ah oo si toos ah idaacadda Marca uga falanqaynayay ciyaarta ayaa yidhi: “Casemiro wuxuu qalad ku galay Cesar Azpilicueta ka hor intii aanu Eder Militao kubadda usoo madaxayn Benzema oo isaguna dhaliyey.”

Wargeyska Marca ayaa afti geliyey doodda Juan Adujar Oliver, waxaana uu akhristeyaashiisa ku taxan website-kiisa uu weydiiyey haddii goolka Benzema uu qalad ahaa oo ay ahayd in meesha laga saaro.

Si kastaba, Actual Madrid oo garoonkeeda lagula barbarreeyey ayaa toddobaadka dambe u safri doonta magaalada London, waxaanay garoonka Stamford Bridge marti ugu noqon doontaa Chelsea.

Akhriste, adigu sidee ayaad u aragtaa goolkaas? Ma qalad ayaa dhacay ka hor intii aanu dhalinin Karim Benzema? Ma aaminsan tahay in caddaalad-darro ku dhacday Chelsea?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More