Kenya maxay ka tiri safarka Muuse Biixi ee Nairob? –
Muuse Biixi oo lagu soo dhaweeyay Kenya.
- Advertisement -
Hogaamiyaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bari oo isniin ah lafilayaa in uu la kulmo hogaamiyaha somaliland muuse biixi oo booqasho ku jooga dalka Kenya si ay ugala hadlaan arimo kala duwan oo ku saabsan ganacsiga iyo amaanka, iyadoo ay jirto khilaaf diblumaasiyadeed oo kala dhaxeeya soomaaliya.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee Biixi uu ku tago Nairobi tan iyo markii uu xukunka la wareegay Oktoobar 2017 ee gobolka gooni u goosadka ah uu ku lug yeelan doono wadahadallo ku saabsan arrimaha “danaha wadaagga ah”, gaar ahaan amniga iyo xiriirka ganacsiga.
“Xiriirka adag ee udhaxeeya Kenya iyo Gobaladda Waqooyi wuxuu xoojinayaa isdhexgalka amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ee udhaxeeya labada dhinac.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
“Gobaladda Waqooyi waa saaxiibka muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada iyo gaar ahaan Al-Shabaab.” Ayay raaciyay bayaanka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada Kenya.
Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi, Muusa Biixi Cabdi waxaa soo dhaweeyay Xoghayaha Maamulka Sare ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Ababu Namwamba iyo Xoghayaha Wasaaradda Beeraha Kenya Gatirau Munya.
“Musa Abdi wuxuu Isniinta wadahadal la yeelan doonaa madaxweynaha H.E Uhuru Kenyatta iyagoo ka wada hadlaya danaha labada dhinac” ayaa lagu yiri qoraal lagu daacabay Twetter-ka wasaaradda arimaha dibada Kenya.
Saraakiisha ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in booqashadan ay wanaajin karto xiriirada muhiimka u ah xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika. Intii kulamado socdaan, waxaa laga yaabaa in laga wada hadlo dood ku saabsan in Kenya Airways loo ogolaado in ay duulimaad toos ah ka bilaabato Hargeysa iyo in kale.
Khilaafka Diblumaasiyadeed.
Safarka Biixi, in kasta oo uu ka horreeyay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Gobaladda Waqooyi waxa ay isu aragtaa in ay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya inkasta oo aanu dal kale oo Afrika ahi aqoonsanayn. Muqdisho waxa ay u aragtaa Gobaladda Waqooyi qayb ka mid ah Soomaaliya.
Toban maalmood ka hor, Soomaaliya waxa ay eriday safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho, Lucas Tumbo, waxayna dib ugu yeertay, Maxamud Axmed Nuur Tarzan, ka dib markii ay Soomaaliya ku andacootay in Kenya ay faragalin ku hayso maamulka Jubbaland.
Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay in ay cadaadis ku saarayso hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe in uu ka ka baxo heshiis siyaasadeed oo uu la saxiixday, Dowladda Faderaalka iyo hogaamiyaasha kale ee dowlad goboleedyada si ay u dhacdo doorashada 2021. Madoobe ayaa ku adkaystay in uusan doorashada ka qayb galayn ilaa Soomaaliya ay ka saarto ciidamada federaalka gobolka Gedo.
Xafiiska Qunsulka
Gobaladda Waqooyi howlaheeda waxa ay ka madaxbanaaneyd Soomaaliya inteeda kale ilaa 1991. Waxa ay leedahay lacagteeda, bangiga dhexe iyo militariga. Hase yeeshee, Kenya weli kama furanin xafiis qunsuliyadeed Hargeysa sida Itoobiya oo kale. Safarka Biixi waxa uu suurtagalin karaa in xafiis Kenya ka furato Hargaysa.