Kaddib Guul-darradii Xalay, Andrea Pirlo Oo Shaaciyey Haddii Uu

Juventus ayaa xalay guul-darro 3-0 ah kala kulantay AC Milan, waxaanay natiijadaasi keentay in ay u degaan kaalinta shanaad ee horyaalka iyagoo halis ugu jira in ay Europa League ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

- Advertisement -

Tababare Andrea Pirlo oo culays badan saaran yahay, isla markaana la sheegayo in shaqada laga caydhinayo ayaa waxa la rumaysan yahay in mustaqbalkiisa tababarenimo ee Juventus uu kusoo dhamaaday xalay.

Juventus oo sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Talyaaniga ee Serie A, ayaa waxa sannadkan kaga guuleysatay Inter Milan, halka Outdated Girl ay xataa halis ugu jirto in ay ka maqnaato afarta sare.

Andrea Pirlo ayaa ciyaarta kaddib la weydiiyey haddii uu is-casilayo kaddib guul-darrada Juventus, waxaana uu ku jawaabay: “Is-casilaad? Maya, isma casilayo. Niyad-samaan badan ayaan ku qabaa shaqadayda inkasta oo waqtigu adag yahay. Wali saddex ciyaarood ayaa noo hadhay, sidaa darteedna shaqada waan sii wadayaa illaa inta la ii ogol yahay.

“Aniga maskaxdayda waxa ku jira mashruuc ka duwan, waxaanan ku fikirayaa in koox ka duwan aan haysto. Waxa aan ku shaqaynayay falsafad, laakiin waa in aan sameeyo isbeddel si aan ugu habboonaado qaab ciyaareedkooda, aanan la qabsado.”

Andrea Pirlo waxa uu si cad u qirtay masuuliyadda guul-darrada iyo hoos u dhaca, waxaanu yidhi: “Haddii aanay wax hagaagin, aniga ayaa masuuliyadda qaadaya. Kooxdu waxay haysataa ciyaartooyo wanaagsan laakiin waxa cad in aanay waxyaabaha qaarkood si fiican u shaqayn.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More