Kaddib Guul-darradii Clasico, Barcelona Oo Lagu Wargeliyey

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war kale oo aanay ku farxin uu soo gaadhay saacado kaddib markii ay guul-darrada 1-3 ah ee ay Real Madrid ugu xambaarisay garoonka Camp Nou.

- Advertisement -

Lionel Messi iyo Philippe Coutinho ayaa Barcelona hoggaamiyeyaasheeda ahaa kulankii Real Madrid waxayse labadooduba ku guul-darraysteen inay shabaqa soo taabtaan iyadoo goolka madiga ah ee ay kooxdoodu dhalisayna uu taariikhda ku galay da’yarka Ansu Fati.

Laacibka reer Brazil ee Coutinho ayaa dhaawac kasoo gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartaasi, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo saddex toddobaad ah, sida uu qoray wargeyska Diario AS.

Arrintan oo dhibaato ku ah Tababare Ronald Koeman oo laba guul-darro oo horyaalka LaLiga ah la iskugu xigsiiyey, waxa uu Coutinho waayi doonaa afar ciyaarood oo kala ah Juventus, Alaves, Dynamo Kiev iyo Real Betis.

Ciyaarta Real Betis oo dhici doonta marka ay ciyaartoydu kasoo laabtaan kulamada caalamiga ah ee bisha November ayaa waxa la sheegayaa inay Coutinho u noqon karto mid uu iskugu diyaariyo ciyaarta adag ee Atletico Madrid iyo Barcelona ee Wanda Metropolitano ka dhici doonta 21 November.

Kulanka ay Barcelona Juventus u tegayso, waxa kale oo ka maqnaan doona Gerard Pique oo kaadh cas qaatay ciyaartii ay kooxdiisu 5-1 ku burburisay kooxda yar ee Ferencvaros.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More