Juventus vs Barcelona, Ronaldo vs Messi – Kulanka Koobka La Kala
Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku qaabbili doonta Juventus toddobaad kaddib, waxaanay ku dagaallami doonaan ciyaar xiiso badan oo ay ku kala qaadi doonaan koobka Joan Gamper Trophy ee ay Barcelona dhigto.
- Advertisement -
Kulankan oo dhici doona August 8, ayay Barcelona xaqiijisay, in 20 boqolkiiba ay buuxin doonto garoonkeeda oo ay taageereyaashu soo geli doonaan, inkasta oo ay jirto khatarta iyo cabsida Korona Fayras.
Garoonka Barcelona ee Camp Nou ayay ugu dambaysay in albaabadiisa la furo March 7, 2020 oo ah sannad iyo dheeraad ka hor, waxaanay waqtigaas kula ciyaareen Real Sociedad kulan ka trisanaa horyaalka LaLiga.
Laakiin waxa albaabadiisa la furi doonaa August 8 oo ay markii u horreysay iman doonaan taageereyaal tiradoodu tahay 19,869 qof oo u dhigma 20 boqolkiiba mugga garoonka, waxaanay tiradaasi nasiib u yeelan doonaan in ay daawadaan Barcelona oo la ciyaaraysa Juventus oo uu qayb ka yahay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.
Ciyaartan oo bilaabmi doonta 9:30pm, ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono Lionel Messi oo ku jira fasax kaddib markii uu ka qayb-galay tartanka qaramada Latin America oo uu waddankiisa u qaaday Copa America, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa usbuucan iska soo xaadirinaya garoonka tababarka kooxdiisa Juventus.
Ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta Barcelona iyo Juventus, waxa ka horreyn doonta ciyaar kale oo ay foodda isku dari doonaan haweenka labada kooxood oo maqribka ay ciyaartoodu bilaabmi doonto.