Jamie Carragher Oo Isbarbar-dhig Ku Sameeyey Christian Pulisic Iyo

Christian Pulisic ayaa muujiyey in Chelsea ay ku saxsanayd markii ay lasoo saxeexatay ee ay ka dhigatay beddelka Eden Hazard, laakiin halyeygii difaaca Liverpool iyo xulka qaranka England ee Jamie Carragher ayaa rumaysan in aanu marnaba laacibkani u fiicnaan doonin sida Hazard oo kale.

- Advertisement -

Xiddiga reer Belgium ee Hazard ayaa ka tegay Chelsea, kuna biiray Actual Madrid sannadkii 2019 iyadoo uu soo afjaray toddoba sannadood oo uu joogay Stamford Bridge isagoo kula guuleystay laba horyaal oo Premier League.

Pulisic ayay Chelsea lasoo wareegtay bishii January ee 2019 si uu beddel ugu noqdo Hazard, waxaanay u ogolaatay in uu lasii joogo Borussia  Dortmund illaa dhamaadkii xilli ciyaareedka, waxaana isla markii baxay Hazard uu isaguna yimid Stamford Bridge.

Xalay ayuu soo bandhigay ciyaar indho-sarcaad ah isagoo dhaliyey gool, fursado badan oo kale sameeyey, isla markaana khatar  ku ahaa difaaca. Hazard ayaa isaguna kaydka ku jiray, kuna soo galay beddel 24kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey.

Jamie Carragher oo labadan ciyaartoy isbarbar-dhig ku sameeyey ayaa ku andacooday in laacibka Maraykanka ah ee Pulisic aanu la heer ahayn Eden Hazard, waxaanu yidhi: “Anigu taageere weyn ayaan u ahayd Eden laakiin waligii ma gaadhayo heerka Hazard… raalli aha ahaado, laakiin ma gaadhi doono.

“Eden Hazard wuxuu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan Premier League muddo afar sannadood ah, waxaanu laacibka reer Belgium yimid kaalinta saddexaad ee koobka Adduunka 2018, wuxuu ahaa laacibkii ugu wanaagsanaa ee tartankaas, heerkaas ayuu taagan yahay Hazard-ka aynu ka hadlaynaa.

“Eden wuxuu ahaa ciyaaartoygii aan ugu jeclaa Premier League, Pulisic na waa in uu gaadho heerkaas iyo in uu tartamo waaweyn ku hoggaamiyo xulka qaranka Maraykanka, taas oo ku adkaan doonta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More