James Rodriguez Oo Ka Dhaawacmay Xubinta Taranka & Gabadha

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Everton ee James Rodriguez ayaa  la dhibaatoonaya kasoo kabashada dhaawac kasoo gaadhay xubinta taranka ‘Xiniinyaha’ kulankii Merseyside derby, markaas oo uu Virgil van Dijk jilib kaga dhuftay ka hor intii aanu difaaca Liverpool dhaawaca culusi soo gaadhin.

- Advertisement -

Laacibka hore ee Real Madrid ayaa la sheegay inuu xanuun badan ka dareemay xiniinyaha kulankii Southampton ee Axaddii oo bandhiggiisuna ka hooseeyey heerkii laga filayay, intaa wixii ka dambeeyeyna ay xaaladdiisu sii xumaatay.

Carlo Ancelotti ayaa hore usii sheegay in Van Dijk uu dhaawac gaadhsiiyey James Rodriguez daqiiqadihii ugu horreeyey ee ciyaartii ay barbarraha 2-2 ku kala baxeen Everton iyo Liverpool, taas oo kooxda tababare Klopp ay ku weyday Van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan ka maqnaan doona, Thiago Alcantara iyo Joel Matip.

Arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay in xiddiga reer Colombia ay dhaawaciisa ka hadashay gabadha jisha filimada dhaqan-xumada ah ee Kendra Lust oo u rajaysay inuu si degdeg ah uga bogsado dhaawaca ka gaadhay xubinta tartanka.

Warkii ay warbaahinta talkSPORT ka qortay dhaawaca James Rodriguez ayey barteeda bulshada kusii baahisay Kendra Lust oo u dhalatay Maraykanka, caanna ku ah filimada dhaqan-xumada, waxaana qoraal ay sii raacisay ay ku tidhi: “Ouch. Waxaan rajaynayaa inaad caadi noqoto.”

James oo ay da’diisu tahay 29 jir ayaan la hubin inuu ciyaari doono kulanka Newcastle United ee Axadda, waxaana wararka laga helayo kooxdu ay tibaaxyaaan in ay ku adag tahay inuu kulankan safto.

Laacibkan ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Premier League xili ciyaareedkan oo ah midkiisii ugu horreeyey, waxaana uu dhaliyey saddex gool iyo caawinta afa kale oo uu ku darsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More