Jamaahiirta Manchester United Ee Xoogga Kula Wareegay Garoonka
Ciidamada booliska ayaa yimid garoonka tababarka Manchester United ee Carrington kaddib markii ay subaxnimadii saaka xoog kula wareegeen taageereyaal cadhaysan oo ku mudaharaadayay mulkiileyaasha kooxdooda ee qoyska reer Glazer.
- Advertisement -
Jamaahiirta ayaa gudaha u garalay garoonka tababarka, waxaanay u diideen ciyaartoyda kooxdu in ay soo galaan, iyagoo caqabad ku noqday tababarkii ay kooxdu samayn lahayd saaka.
Tiro taageereyaal ah oo sitay boodhadh ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid ahaayeen: “Glazer ha baxo” iyo “51% ha laga wareejiyo Glazer” ayaa garoonka yimid waqti ay saacaddu ku beegnayd 9.23am (Subaxnimo) ee waqtiga London.
Ciidamada booliska ayaa waqti dambe lala hadlay oo yimid garoonka tababarka iyadoo ciyaaryahannada iyo tababare Ole Gunnar Solskjaer ay iyaguna ku jireen gudaha guryaha garoonka tababarka ee Carrington ku dhex yaalla.
Taageereyaasha oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 20 qof ayaa ayaa awood u yeeshay in ay gudaha yimaaddaan, waxaase dibedda u saaray ciidamada booliska ee loo yeedhay.
Manchester United ayaa war-saxaafadeed ay soo saartayy waxay kaga hadhay wixii dhacay, waxaanay tidhi: “Qiyaastii 9am ee saaka, koox ayaa awood u yeelatay in ay gudaha usoo galaan garoonka tababarka. Tababaraha iyo dad kale ayaa la hadlay. Dhismeyaashu badqab ayay ahaayeen, kooxduna (Mudaharaadeyaashu) hadda dibedda ayay uga baxeen garoonka.”
Dhacdadan ayaa timid 48 saacadood kaddib markii ay Manchester United shaacisay in ay ka noqotay oo ay iskaga baxday tartanka European Super League ee ay hore uga midka noqotay aas-aaseyaashiisa, kaas oo sidoo kale ay ka huleeleen dhamaan kooxaha Premeir League oo lagu daray Inter Milan, AC Milan iyo Atletico Madrid.
Your browser does not support the audio element.