Isku Aadka Semi-Finalka Koobka Euro 2020 Oo La Xaqiijiyay Iyo Waqtiga
Waxaa la xaqiijiyay afarta xul ee u soo gudbay wareega afar dhamaadka tartanka Koobka Qaramada Yurub ka dib markii la ciyaaray afartii kulan ee wareega sideed dhamaadka.
- Advertisement -
Waxaa semi-finalka u soo baxay xulalka England iyo Denmark oo caawa badiyay iyo xulalka Spain iyo Talyaaniga oo xalay guulo soo gaaray.
England waxay caawa 4-0 ku xasuuqday Ukraine waxayna semi-finalka habeenka Arbacada Wembley kula dheeli doonaa Denmark oo iyagana caawa 2-1 uga soo badiyay Czech Republic.
Spain ayaa semi-finalka u soo baxday markii ay rigoore uga soo gudbeen xalay xulka Switzerland halka Talyaaniga ay 2-1 ku soo garaaceen xulka Belgium.
Talyaaniga iyo Spain waxay iyagana ku dheeli doonaan garoonka Wembley habeenka Talaadada.
Isku Aadka Semi-finalka Iyo Taariikhda La Dheelayo:
6da July 2021
Spain vs Italy
Garoonka Wembley
7da July 2021
England vs Denmark
Garoonka: Wembley
Finalka waxa uu ka dhici doonaa isla garoonka Wembley ee magaalada London 11ka bishaan July.