Imisa Lacag Ah Ayaa La Siinayaa Ciyaaryahanadda Talyaaniga Ee Ku

Kaddib markii ay rikoodheyaasha ku garaaceen England ee ay ku guuleysteen tartanka Euro, ciyaartoyda xulka qaranka Talyaaniga ayaa mid walba gaarkiisa loo siin doonaa lacago boqollaal kun oo Euro ah, taas oo ay ku helayaan guushii koobka.

- Advertisement -

Talyaaniga oo sannadkii 2006 ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa sannadkii 1968kii ay ugu dambaysay inay qaataan Euro, waxayse xalay xaqiijisteen markoodii labaad ee ay helaan abaal-marintan.

Roberto Mancini ayaa isku urursaday ciyaartooyo bandhig wanaagsan sameeyey oo dib usoo celiyey sharafta Talyaaniga oo sannadkii 2018 ka hadhay koobkii Adduunka oo ay kasoo qayb-geli kari waayeen.

Sida uu qoray wargeyska La Gazetta dello Sport, heshiis uu qalinka ku duugay madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee Gabriele Gravina ayaa UEFA la sii gaadhay heshiis si la mid ah xidhiidhada kale, waxaanu heshiiskaasi dhigayay in ciyaartoyda waddamada tartanka ka qayb-galay loo qaybiyo lacag gaadhaysa 99 milyan oo Euro.

Waddanka ku guuleysta Koobka ayaa lacagta ugu badan ay helayaan ciyaartoydiisu, waxaana laacib kasta la guddoonsiinayaa lacag dhan 250,000 Euro oo toos uga imanaysa xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.

FA-ga Talyaaniga ayaa isaguna siin doona ciyaartoy kasta lacag gaadhaysa 180 milyan oo Lira oo u dhiganta 90,000 Euro.

Ciyaaryahanadda xulka England ayaa iyagana uu mid walba helayaa lacag dhan 200,000 Euro maadaama ay ku dhamaysteen kaalinta labaad ee tartanka Euro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More