Hordhac: Tottenham vs Man United – Xasuuqii Old Trafford Oo Gubaya
Manchester United ayaa isku dayi doonta in ay ka aargudato Tottenham oo ay Axadda maanta ugu tegayso garoonkeeda, waxaanay xasuusan yihiin xasuuqii loogu soo geystay Old Trafford horraantii xilli ciyaareedkan oo Spurs ay kusoo badisay 6-1.
- Advertisement -
Jose Mourinho ayaa soo bahdilay kooxdiisa hore markii uu ku laabtay Old Trafford horraantii xilli ciyaareedkan, waxaana min laba gool kasoo dhaliyey Harry Kane iyo Heung-min Son.
Lix bilood kaddib kulankaas, United oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka, una muuqata in ay ku dhamaysanayso ayaa waxay ku jirtaa qaab ciyaareed wanaagsan iyadoo lug lasii gashay wareegga semi-finalka Europa League, laakiin waxay u baahan tahay in ay ciyaartan meel iskaga hubsato Spurs oo iyaduna u dagaallamaysa sidii ay uga mid noqon lahayd afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka.
Tottenham ayaa ka liidata khadka difaaca, waxaana taas caddaysay Newcastle United oo qabatay toddobaadkii hore, halka United ay guul-darradii FA Cup ee Leicester City ay kaga jawaabtay guulo ay ka gaadhay Brighton iyo Granada.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaartan rajaynaya in ay taam u noqdaan xiddigaha Luke Shaw iyo Paul Pogba oo dhaawacyo kasoo gaadheen ciyaartii Europa League ee Granada, waxaanu tababaruhu xaqiijiyey in laacibka reer France ay jug gaadhay balse uu diyaar u noqonayo ciyaartan.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Tottenham vs Manchester United
Tartanka: Premier League
Waqtiga: 6:30pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Tottenham Hotspurs Stadium
Wararkii u dambeeyey labada kooxood
Tottenham ayay dhaawacyo kaga maqan yihiin labada difaac ee Matt Doherty iyo Ben Davies oo dhaawacyo kasoo gaadheen muruqyada, laakiin Toby Alderweireld iyo Serge Aurier ayaa diyaar ah oo dib ugu soo laaban kara shaxda kooxda kaddib markii uu Mourinho bannaanka dhigay ciyaartii Newcastle.
Manchester United ayaa iyaduna ka baxday cabsidii ka haysatay taam ahaanshaha Marcus Rashford, inkasta oo Solskjaer uu Khamiistii sheegay in uu dhaawac darteed u beddelay laacibkan daqiiqaddii 65aad.
Luke Shaw ayaa sidoo kale la filayaa in uu ciyaari doono kaddib jugtii kasoo gaadhay Granada ee sababtay in la beddelo, halka Pogba uu diyaar u yahay.
Tababarka United waxa kale oo kusoo laabtay Alex Telles iyo Juan Mata oo u diyaar ah kulankan, balse waxa ka maqan Anthony Martial oo dhaawac ah iyo Eric Bailly oo uu ku dhacay Fayraska Korona, halka Phil Jones uu wali bannaankiisa jiifo.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Tottenham Hotspur: Lloris; Aurier, Sanchez, Rodon, Reguilon; Hojbjerg, Ndombele; Son, Lo Celso, Lucas; Kane
Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; McTominay, Fred; Greenwood, Fernandes, Pogba; Rashford