Hordhac: Levante vs Barcelona – Hoggaanka Horyaalka Oo Barcelona La

Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay kusoo laabato jidka guusha horyaalka waddanka Spain ee LaLiga marka ay caawa tagaan garoonka Stadio Ciudad de Valencia oo ay marti ugu noqon doonaan Levante.

- Advertisement -

Ronald Koeman ayay kooxdiisu barbarro goolal la’aan la gashay Artletico Madrid Sabtidii, halka Levante ay iyaguna barbarro 2-2 ah wada galeen Alaves.

Barca oo kaalinta saddexaad kaga jirta LaLiga, guul ay ka keenta ciyaarta caawa, waxay si ku-meelgaadh ah ugula wareegi doontaa hoggaanka iyadoo ka sare mari doonta Atletico Madrid iyo Actual Madrid, laakiin booskooda saddexaad ayay kusoo laaban doonaan haddii ay labada naadi ee kale soo badiyaan.

Kooxda reer Catalonia ayay kulamada u hadhay ka fudud yihiin kooxaha kale ee horyaalka kula tartamaya, waxaana marka ay caawa kala baxaan Levante ay isku diyaarin doonaan Celta Vigo iyo Eibar, kuwaas  oo haddii ay badiyaan ay kaliya u baahan doonaan in Atletico iyo Actual ay dhibco lumiyaan.

Blaugrana waxay kalsooni ku iman doontaa kulanka sababtoo ah 37 dhibcood ayay kasoo heleen 17kii ciyaarood ee ugu dambeeyey halka Levante ay dhibaato kusoo dhex-jirtay oo shan mar oo kaliya ay badisay, toddobana barbarreeyeen iyo shan laga badiyey 17kii ciyaarood ee horyaalka ee ugu dambeeyey.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Levante vs Barcelona

Tartanka: LaLiga, kulamada 36aad

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stadio Ciudad de Valencia

Wararkii u dambeeyey

Levante waxa dhaawac kaga maqan Jose Campana, Nemanja Rodoja iyo Nikola Vukcevic, laakiin waxa u diyaarsan Ruben Vezo, Enis Bardhi iyo Roger Marti oo dhamaantood shaxda koowaad ka mid noqon doona, halka Morales, Jorge de Frutos iyo Dani Gomas ay iyaguna sii xajisan doonaan boosaskooda.

Dhinaca Barca, waxa dhaawac kaga maqan Philippe Coutinho iyo Ansu Fati, laakiin Sergio Busquets ayaa lagu soo daray liiska kooxda kaddib dhaawac wajiga kasoo gaadhay kulankii Atletico.

Sergio Roberto ayaa kusoo bilaaban doona khadka dhexe isagoo beddelaya Busquets, sidoo kalena Ronald Araujo ayaa beddeli doona Oscas Mingueza.

Ousmane Dembele ayaa Koeman ku riixaya in uu siiyo boos uu ugu soo bilowdo kooxda, laakiin Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ayaanay cidina boosaskooda ka qaadi karin.

Levante: Cardenas; Miramon, Vezo, Rober, Clerc; De Frutos, Malsa, Bardhi, Morales; Gomez, Roger Marti

Barcelona: Ter Stegen; Araujo, Pique, Lenglet; Dest, Roberto, De Jong, Pedri, Alba; Griezmann, Messi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More