Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada & Beesha Caalamka oo Shir u
Magaalada Muqdisho waxaa barqonimadii maanta ka furmay Shir u dhaxeeya Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Wakiilada Beesha Caalamka.
Kulanka C6 ayaa looga hadlayaa xaaladda dalka gaar ahaan natiijada kasoo baxday kulamadii ugu dambeeyay dhexdooda ay yeesheen, qodobada ay isku fahmeen & qaabka loo dhaqangelin karo si shirka uu Mira-dhalo.
Wakiilada Beesha Caalamka ee shirka fadhiga waxaa kamid ah: James Swan Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto Danjiraha Mareykanka ee Soomalaiya & Madaxa AMISOM Ambassador Farancisco Madeira.
Raysul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan kulankaan bilawga ah oo laga dhex abuurayo fadhiga guud ee Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada.
Beesha Caalamka oo culeys saartay Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada sidii ay u dhaqangelin lahaayeen heshiiska ay gaareen 17-kii September 2020 & is afgaradka dhexmaray Guddiga Farsamo ee Baydhabo ku shiray 15-kii & 16-kii Febaraayo 2021.
Faah-faahint….