Haddii uusan Messi kordhin qandaraaskiisa .. ..

Madaxweynihii hore ee kooxda Barcelona Joan Laporta, oo kamid ah hogaamiyaasha ahna mid kamida murashaxiinta hadda jagadaas u taagan, ayaa ka hadlay qorshihiisa hadii kabtanka kooxda ee Lionel Messi uu diido inuu qandaraaska u dheereeyo.

- Advertisement -

Doorashada madaxtinimada ee Barcelona ayaa lagu wadaa inay dhacdo 24-ka bisha Janaayo iyadoo mustaqbalka Messi aan wali la cayimin.

Messi ayaa dalbaday in uu ka tago kooxda bilo yar ka hor laakiin ugu dambayntii waxa uu go, aansaday in uu ugu yaraan dhamaysto inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Laporta, oo hore u soo noqday madaxweynaha Barcelona intii u dhaxeysay 2003 iyo 2010, ayaa sheegay in hadii Messi uu diido inuu kordhiyo qandaraaskiisa madaxweyne inay aqbali doonaan dalabka oo ay sii socon doonaan

58 jirkaan ayaa yiri: “Hadii Messi uu dhaho maya, si ciyaar ah ayaan u aqbali doonaa waana iska tagi doonaa.”

Caqabad naguma noqon doonto inaan sameysano koox aad u tartan badan, aan bilowno marxalad cusub oo nagu hogaamineysa hogaanka ciyaarta. ”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More