Giorgio Chiellini Oo Sharaxay Wixii Dhexmaray Isaga Iyo Jordi Alba Ka
Mid ka mid dhacdooyinkii ugu qosolka badnaa tartanka Euro 2020 ayaa dhacay wax yar ka hor rigooradii ay ku kala baxeen xulalka Talyaaniga iyo Spain ciyaartii semi-finalka, markaasoo Giorgio Chiellini uu la kaftamay Jordi Alba.
- Advertisement -
Chiellini ayaa sharaxay in sababtii uu ugu maadeystay Jordi Alba inay aheyd in Alba uu si qalad ah u aaminay inuu isaga ku guuleystay shilin tuurkii la sameeyay oo rigoorada la geynayo taageerayaasha Spain hortooda.
“Wax badan ayaa laga hadlay wixii xaqiiq ahaan ina dhexmaray aniga iyo Alba” ayuu Chiellini ku sheegay wareysi uu siiyay shabakada xiriirka kubada cagta Talyaaniga.
“Waxay aheyd inaan go’aansano birta goolka ee ay rigoorada ka dhaceyso, garsooraha ayaa nagu yiri ‘casaanka waa hal dhinac, buluugana waa dhanka kale.’
“Markii uu arkay dhanka cas ee shilinka, Jordi Alba wuxuu mooday inuu isagu guuleystay, laakiin waxaan si kaftan ah ugu sheegay inaysan sidaasi xaalada aheyn oo aan ka guuleystay.”
Kabtanka Talyaaniga ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay jawigii qiirada lahaa ee guushii rigoorada ee ay gaareen.
“Ka dib rigooradii ugu horeysay waxaan ahaa mid aad u walwalsan.” ayuu yiri Chiellini.
“Waxaan wadaagnay dareen aan waligeen ilaawi doonin, ugu danbeyna waxaa jiray xabad isgelin iyo ilin farxadeed.”
Ka hor kulanka finalka ee ay la ciyaarayaan xulka England Axada, Chiellini ayaa sheegay inuu aad u la yaabay horumarka degdega ah ee ay sameeyeen xulkiisa mudadii uu tababaraha u ahaa Roberto Mancini.