Gennaro Gattuso: Hal bil kadib

Arbacadii, Napoli ayaa hal dhibic ka qaadatay Torino, laakiin natiijada waxaa hareeyay hadal ka dib ciyaarta ka dib tababare Gennaro Gattuso, oo sheegay inuu akhriyay warbixinno sheegaya inuu dhiman doono bil ka dib.

- Advertisement -

Gattuso ayaa shaaca ka qaaday inuu la xanuunsanayay cudurada neerfaha iyo muruqyada tobankii sano ee la soo dhaafay, taasoo isaga gelisay nolol cabsi leh.

Gennaro Gattuso oo ka mid ahaa xiddigihii ku guulaystay koobkii adduunka ee Italy sanadkii 2006 isla markaana muddo dheer kula soo guulaystay kooxda AC Milan ayaa shaaca ka qaaday caqabadaha haysta noloshiisa isaga oo fariin u diray carruurta uu haleelay cudurkaasi.

Ka dib ciyaartii dhibcaha ee u dhaxeysay Torino, wuxuu yiri: “Waxaan rabaa inaan wax u sheego caruurta laga yaabo inaysan ku faraxsanayn muuqaalkooda.

Noloshu way wanaagsan tahay waana inaad si buuxda ugu noolaataa, haka walwalin wax walboo mustaqbalka ah, maxaa yeelay noloshu waa mid cajiib ah oo mudan in lagu noolaado.

“Dhibaatadu waxay ka bixi doontaa indhahayga waxaana ku soo laaban doonaa si ka qurux badan sidii hore.”

Gattuso ayaa lagu qasbay inuu indhihiisa xiro kulamadii ugu dambeeyay, taasoo uu ku sifeynayo: “Waxaan qabaa myasthenia (cudur ku dhaca neerfaha iyo muruqyada). Wuxuu i hayey muddo toban sano ah waana markii saddexaad ee uu igu soo laabto.

“Markan waxaan dareemayaa inaan dhacayo laakiin waan ka gudbay indhahayguna waxay ku soo noqonayaan caadi.

Waxaan ku arkaa waxyaabo labo labo ah (wax walba labo ayey noqonayaan), wey igu adag tahay inaan istaago runtiina waan waalanahay.

In kasta oo uu xanuunsan yahay, haddana wuu tababbaraa wuuna sii wadaa shaqadiisa tababarenimo, isagoo ku doodaya in noloshiisa aan khatar ku jirin in kasta oo uu akhriyay warbixinno xanuun badan: “Waan ogahay inay ku adag tahay ciyaartoydu inay igu arkaan xaaladdan oo kale.

“Waxaan aqriyay maqaallo sheegaya in aan dhimanayo, noloshaydana hal bil oo keli ah ayaa iiga hadhay.

“Laakiin aniga ima dhibayso. Ma dhiman doono. Weli waan noolahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More