General Odowa oo La Kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

General Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) xoojinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida kadib kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

- Advertisement -

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (AMISOM) wuxuu ka shaqeeyaa sidii loo horumarin lahaa tayada iyo qalabka ciidamada Milatariga Soomaaliya, taasoo dowladihii isaga dambeeyay dalka ay ku guuleysteen inay ka horumariyaan dhanka tayada iyo qalabka.

Abaanduulaha ayaa uga mahadceliyay saraakiisha EUTM taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliya.

Kulan ka dhacay Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhexmaray taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo abaanduulaha ciidamada EUTM-S ayaa lagu taageeray shaqada ciidanka Soomaaliya. ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka Waxaan ka wada hadalnay cusbooneysiinta mashaariicda guud ee loogu talagalay in lagu horumariyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Saraakiisha EUTM, ayaa dhankooda muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin wada shaqeynta ay la leeyihiin Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhowr dowladood ayaa ka taageera Soomaaliya dhismaha, tababarka iyo qalabeynta ciidanka, iyadoo Turkiga uu bixiyo taageerada ugu badan, in kasta oo lagu dhaliilayo in ciidamadeeda ay ku lug leeyihiin siyaasadaha isdiidan ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More