Frank Lampard Oo Magacaabay Xiddigihii Ugu Adkaa Ee Uu
Frank Lampard ayaa magacaabay kooxdiisa riyada oo ka kooban xiddigihii ugu adkaa ee uu ka hor tegay waqtigii uu ciyaartoyga ahaa, kuwaas oo ka kooban toddoba laacib oo saddex ka mid ah aanad rumaysan karin.
- Advertisement -
Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Ronaldinho ayaa ku jira shaxda xiddigihii ugu adkaa ee Lampard ay garoomada sida adag ugu xafiiltameen, iyadoo uu soo xushay laacibiintii ugu adkaa ee uu qabashadooda ku daalay amaba dhibaatada ugu badan usoo geystay kooxdiisa.
Tababaraha Chelsea ee 42 jirka ah oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen carruur oo ay Hyundai qaban-qaabadeeda lahad ayaa waxa daabacay wargeyska Daily Mail.
Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer oo ay iskaga hor yimaaddeen tartanka Champions League gaar ahaan finalkii 2012kii oo ay Blues koobka ku qaadday ayaa uu markiiba magaciisa lasoo booday Frank Lampard, iyadoo uu goolhaye uga dhigay kooxdiisa riyada ee ka samaysay ciyaartoydii ugu adkaa ee uu ka hor tegay, taas oo ka dhigan inuu yahay laacibka goolka ee ugu fiicnaa ee abid ay kulmeen.
Rio Ferdinand oo ay u wada ciyaareen xulka qaranka England laakiin ay Manchester United iyo Chelsea kala ahaayeen oo ay si weyn ugu xafiiltameen horyaalka Premier League iyo koobabka kale ee maxalliga ah, iyagoo xataa iskugu yimid Champions League.
Zinedine Zidane iyo Steven Gerrard ayaa iyaguna ku jira liiska ciyaartoyda Frank Lampard ee kooxdiisa riyada.
“Waxaan lasoo baxayaa: Manuel Neuer, Rio Ferdinand, Steven Gerrard, Zinedine Zidane, Ronaldinho, Messi iyo Ronaldo” Ayuu yidhi Frank Lampard oo ka jawaabayay inuu magacaabo kooxdiisa riyada ee ‘toddobadii’ ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee uu waajahay intii uu garoomada ku jiray.