Diego Simeone Oo Daboolka Ka Qaaday Wixii Uu Sameeyey Markii Uu Maqlay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa daboolka ka qaaday wixii uu smaeeyey markii uu maqlay in kooxdiisu ay haysato fursad ay kula soo saxeexan karayso weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez xagaagii hore, markaas oo Barcelona ay u sheegtay in uu iskaga tago Camp Nou.

- Advertisement -

Luis Suarez ayaa door libaax ka qaatay guushii Atletico Madrid ee  horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee xilli ciyaareedkan, waxaana Diego Simeone uu sheegay in uu sii ogaa, in Suarez uu isbeddel ku samayn karo kooxdaas markii uu kusoo biirayay.

Tababaraha reer Argentina oo waraysi siinayay warbaahinta Maraykanka  ah ee ESPN, gaar ahaan barnaamijka F360 ayaa waxa la weydiiyey sidii ay kooxdiisu ku heshay Suarez iyo tallaabooyinkii ay qaadeen, waxaanu ku jawaabay: “Markii ay suurtogalnimada {Saxeexa Luis Suarez usoo baxday Atletico Madrid}, kooxda ayaa isoo wacday oo igu tidhi: ‘Waa maxay fikirkaaga Luis Suarez?’ Waxa aan ugu jawaabay: ‘Ma kaa dhabbaa?’”

Diego Simeone waxa uu tibaaxay in markiiba uu bixiyey amarka ah in si degdeg ah loogu dhaqaaqo saxeexiisa, laakiin isaguna uu doorkiisa qaatay oo uu markiiba telefoon kula hadlay Luis Suarez, waxaanu yidhi: “‘Waxa aan ku idhi, aniga ha i weydiinin, hadda aynu u dhaqaaqno oo anigana ila hadashiiya isaga’. Markii aan la hadlay Suarez, wixii ugu horreeyey ee aan ku idhi wuxuu ahaa: ‘Eeg, Luis, waxaanu u baahanahay in aanu guuleysano, adiguna waxaad u baahan tahay in aad guuleysato, sidaa darteed, albaabku wuu kuu furan yahay.”

Simeone waxa kale oo uu sheegay in maalintii ugu horreysay ee Suarez uu yimid Atletico Madrid, in uu la yaabay doonista guusha ee ka muuqata.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More