DF oo talaabo kaqaaday masjidka iyo imaamka oo amar kaqaatay Al-Shabaab – Axadle
Afooge (Axadle) – Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Sh / hoose ayaa xabsi iyo jirdil ugaystay imaamyo iyo dad shacab ah oo salaada ciidul fidriga ku dukaday qaar kamid ah masaajidada kuyaala degmadaasi.
- Advertisement -
Imaamyada ayaa la sheegay inay aqbaleen amarkii Al-Shabaab ee ahaa in lagu dhawaaqo Ciidul Fidriga maalinta Arbacada ee bisha Shawaal.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xoog ku galay masjidka, waxaana la xiray dhowr imaam oo diiday inay joojiyaan takbiirta iyo inay aqbalaan amarka dowladda ee ah in maanta la soomo.
Al-Shabaab ayaa awood ku leh Afgooye waxayna canshuuraha si toos ah uga qaadaan qeybo ka mid ah magaalada, halkaas oo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan magaalada ay ku qaataan waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka.
Dhammaan gobollada Soomaaliya ayaa maanta laga sooman yahay, marka laga reebo magaalooyinka ay maamusho Al-Shabaab.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay in Soomaaliya maanta aan laga ciideyn isla markaana ay dhamaatay bishii barakeysay ee Ramadaan.
Go’aanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan dalalka Islaamka ay caddeeyeen in maanta aysan ciid ahayn.
Al-Shabaab ayaa xalay sheegtay in maanta ay tahay maalin Ciid ah, isla markaana looga dabaal degay dhammaan deegaannada ay gacanta ku hayaan, oo ay ugu weyn tahay Garhareeri, Jilib iyo Saakow.