DAAWO: Muxuu La OOYEY Alisson Kaddib Ciyaarta, Kuma Ayuu se Ahaa
Alisson ayaa oohin qabsaday, waxa indhihiisa qoysay ilmo isagoo murugaysan, waxaanay ciyaartoyda kooxdiisu u qaboojiyeen qalbiga iyadoo uu tababare Jurgen Klopp xabbadka geliyey si uu u aamusiiyo.
- Advertisement -
Goolahayaha Liverpool ee Alison ayaa kooxdiisa u dhaliyey gool kaas oo u badbaadiyey rajadoodii ahayd in ay ka mid noqdaan afarta kooxood ee sare, isagoo kubbad koone ahayd madax ku dhaliyey daqiiqaddii 95aad oo socota kulan ay kooxdiisa isla dhibaatoodeen West Brom.
Markii uu goolku dhashay, garsooraha ayaa yeedhiyey siidhiga dhamaadka ilbidhiqsiyo yar kaddib, waxaanay ciyaaartoyda Liverpool farxad darteed usoo yaaceen dhinaca Alisson, laakiin goolhayaha reer Brazil ayaa oohin bilaabay, isagoo indhihiisa ilmo ka da’ayso sidoo kalena murugaysan.
Laacibkan ayaa goolka uu dhaliyey waxa uu u hibeeyey aabbihii Jose Agotinho Becker oo si naxdinle u geeriyooday, meydkiisana laga helay haro weyn oo biyo ka buuxaan saddex bilood ka hor.
Aabaha dhalay Alisson oo ay da’diisu ahayd 57 jir ayay geeridiisu naxdin iyo walwal ku noqotay laacibkan oo xataa awoodi kari waayey in uu aaskiisa ka qayb-galo maadaama UK oo ay mamnuucday duulimaadyada ka imanayay Brazil ama tegayay.
Alisson oo noqday goolhayihii ugu horreeyey ee Liverpool u dhaliya gool tan iyo maalintii la aasaasay kooxdan sannadkii 1892kii, ayaa waxa goolka uu dhaliyey uu u hbiyeeyey aabbihii isagoo ooyaya, waxaase isku dayay in uu niyadda u dajiyo Jurgen Klopp oo xabbadka geliyey.
“Aad ayuu dareenkaygu u kacsanaa bishan u dambaysay, sababtu waxay ahayd wax kasta oo ku dhacay qoyskayga. Laakiin aniga kubadda cagta ayaa noloshayda ah, waxaanan ciyaari doonaa tan iyo inta aan xasuusanayo aabbahay. Waxa aan rajayn lahaa in uu dunida guudkeeda joogo oo uu daawanayo {goolkan}.”
Halkan ka daawo
Right here it’s… Alisson’s exceptional header deep into injury-time that handed Liverpool an unimaginable 2-1 victory over West Brom! ?? ⚽
? Response on Sky Sports activities PL? Obtain the @SkySports app!? Observe #WBALIV response: https://t.co/4Ko9z3MRwQ pic.twitter.com/AJmXwiXuvn
— Sky Sports activities Premier League (@SkySportsPL) Might 16, 2021