Chelsea Oo Xaqiijin Karta In Tababarahoodii Hore

Jose Mourino ayaa lagu waramayaa in laga ceyrin doono Tottenham haddii uusan ka soo bixin kaliya hal sheey oo badbaadin karta shaqadiisa, waxayna ku xiran tahay tartan uu kula jiro kooxdiisa hore ee Chelsea

- Advertisement -

Tababaraha reer Portugal ayaa cadaadis xoogan ku hoos jira ka dib markii Spurs ay ka hartay Europa League habeenkii Khamiista inkastoo ay 2-0 ku soo badiyeen lugtii hore.

Guuldarro ceeb 3-0 ah ayaa ka soo gaartay kooxda Dinamo Zagreb taasoo cadaadiska ku sii kordhisay Mourinho.

Waxa kaliya ee badbaadin kara shaqada Jose Mourinho ayaa la sheegay inay tahay inuu Tottenham u soo saaro Champions League oo ay kooxdiisa ku dhameysato afarta kaalimood ee ugu sareysa Premier League xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in xitaa haddii Tottenham si lama filaan ah u garaacdo Manchester City oo ay bisha danbe ka qaado koobka Carabao Cup, waxa kaliya ee shaqadiisa badbaadin karta waa inuu kooxda u soo saaro Champions League.

Haddii Spurs ay ku dhameysato kaalinta shanaad ama meel ka hooseysa xilli ciyaareedkan markaas waa la ceyrin doonaa tababaraha isku naaneesay The Special One.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa haatan ku jirta kaalinta sideedaad iyagoo leh 45 dhibcood waxaana u harsan 10 kulan. Laakiin inay gaaraan kaalinta afaraad ma ahan mid meel fog ka jirta.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad iyagoo lix dhibcood ka sareeya Tottenham laakiin kooxda Mourinho kulan ayaa u harsan marka loo eego Chelsea.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Tottenham ayaan ku qanacsaneyn qaab ciyaareedka Mourinho uu ka hirgeliyay kooxda, mana u arkaan wax xun haddii 58 jirkaan uu iska baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More