Chelsea Oo Guul Ay Ku Xaqiijisay Kaalinteeda 4aad Ka Gaartey Fulham

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul dahabi ah oo u xaqiijisay kaalinteeda afraad ee xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League waxay ka gaadhay Fulham oo khadka cas ku jirta, qarankana u saaran in kulanka dambe lavatory xaqiijiyo in ay dib ugu noqotay heerka labaad.

- Advertisement -

Kulankan oo uu tababare Thomas Tuchel fadhiisistay xiddigihiisa muhiimka ah maadaama ay kusoo idiot leedahay kulanka adag ee Actual Madrid ay Arbacada kula ballansan  yihiin semi-finalka Champions League, ayaa waxay u awood sheegatay Fulham oo ay ku garaacday 2-0.

Xiddiga reer Germany ee Kai Havertz oo kulamo uu kaydka ku jiray kaddib kusoo bilowday ciyaartan ayaa laba gool oo uu kala dhaliyey labadii qaybood ee ciyaarta, waxay Chelsea siiyeen saddx dhibcood oo muhiim u ahaa, si ay ugu dhamaystaan kaalinta afraad ee horyaalka.

Daqiiqaddii 10aad ee ciyaarta ayaa weerar degdeg ah oo ay Chelsea soo qaadday, waxa kubadda laba difaac ku dhex-maamulay Mason Mount, waxaanu baas qurux badan usii raaciyey Kai Havertz oo dhinaciisa bidix ordayay, kaas oo isaguna si xarrago leh ugu kubadda uga hoos saaray goolhaye Alphonse Areola oo kusoo baxay.

Blues ayaa qaybta hore dhalisay gool kale oo uu u saxeexay Kai Havertz oo halis badan ku hayay difaaca Fulham, waxaase markii uu dabbaal-degga dhamaystay lagu wargeliyey in goolkiisu ahaa offside.

Hakim Ziyech ayaa isaguna ku dhowaaday in qaybta hore uu ciyaarta ka dhigo 2-0, waxaana baas ay soo wada ciyaareen Werner iyo Mount uu ugu dambayntii lugta u galay Ziyech, hase yeeshee goolhaye Areola ayaa sii akhriyey Ziyech iyo halka uu tooganayo, waxaanu goolkiisa u diiday kubaddaas.

Daqiiqaddii 49aad ee bilowga qaybta dambe ayay Chelsea heshay goolka labaad oo uu u dhaliyey Kai Havertz, waxaana uu laacibkani si xarrago leh u maamulay kubbad uu Timo Werner uga dhex saaray difaaca Fulham, waxaanu lugtiisa bidix mar kale u adeegsaday in uu ku burburiyo rajadii Fulham ee ahayd in ay ugu yaraan dhibic ka helaan Stamford Bridge.

Goolkan ayaa laga soo hubiyey VAR, si lavatory hubiyo in Havertz uu ku jiray offside ka hor intii aan kubadda loosoo dhiibin, waxaase ugu dambayntii lavatory xaqiijiyey in goolku sax ahaa.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Chelsea lavatory dhigay laad xor ah laynka dushiisa iyadoo qalad lagu galay Timo Werner, laakiin Alonso oo kubadda toogashadeeda qaatay ayaa ku dhuftay difaaca Fulham.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Chelsea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More