Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddig Weyn Oo Reer Brazil Ah Oo Mushahar Gaaraya Kaliya 270

Kooxda caanka ah ee reer Brazil Santos ayaa maanta oo Axad ah shaacisay in Robinho uu kooxda ku soo laabtay islamarkaana uu kooxda u ciyaari doono ugu yaraan ilaa iyo bisha Febraayo 2021.36 jirkaan oo ka soo baxay akadeemiga kooxda Santos ayaa kooxda koowaad u saftay kulankiisii ugu horeysay sannadkii 2002 ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid sannadkii 2005.Warbixin ay soo saartay Santos ayaa lagu shaaciyay in Robinho uu qaadan doono mushaharka ugu yar ee laga qaato dalka Brazil isagoo bishii mushahar ahaan u qaadan doona…

Lacagta Uu Qaato Waxay Ka Badan Tahay Lacagta Soo Gasha Afar

Xaqiiqda ah in Cristiano Ronaldo uu yahay xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Serie A ma ahan lama filaan laakiin waxaa amakaak kugu noqoneysa xaqiiqda ah in weeraryahanka Juventus uu qaato lacag la mid ah ama ka badan inta aysan sameeyaan afar kooxood oo Serie A ka dhisan.35 jirkaan ayaa heshiis uu sannadkii ku qaadanayo 31 milyan euro waxa uu kula jiraa Juventus, afar kooxood oo Serie A ka dhisan ayaana miisaaniyadooda sannadkii ay la eg tahay lacagtaas ama ka yar tahay waxayna kala yihiin Udinese, Hellas Verona, Spezia…

England Oo Garaacday Xulka Ugu Fiican Dunida, Mason Mount Oo

England ayaa guul ka gaartay xulka ugu fiican dunida ee Belgium ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kulan xiiso leh oo labada kooxood ku dhexmaray Wembley kaasoo qeyb ka ahaa tartanka UEFA Nations League.Belgium oo kaalinta 1aad kaga jira qiimeynta xulalka adduunka ee FIFA ayaa goolka ku hormartay ka dib rigoore uu u saxiixay Lukaku laakiin rigoore uu dhaliyay Rashford iyo gool uu saxiixay Mason Mounto ayay England ku garaaceen Belgium.England ayaa League A Group-kiisa 2aad waxay ku hogaaminayaan 7 dhibcood halka Belgium ay ku…

Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Haddii Ay Arsenal U Soo Bixi

Arsene Wenger ayaa si ay kalsooni ku jirto ugu taageeray kooxda Arsenal inay ku dhameysan doonto afarta kaalimood ee ugu sareysa xilli ciyaareedkan isagoo sheegay in kooxda Mikel Arteta inay noqon doonto koox ka yaabisa dad badan xilli ciyaareedkan ka dib markii ay si fiican uga soo adeegteen suuqa kala iibsiga.Arteta oo ku hogaamiyay Arsenal koobka FA Cup iyo kaalinta sideedaad ee horyaalka ka dib amrkii uu shaqada kala wareegay Unai Emery xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa xoojiyay daaficiisa iyo khadkiisa dhexe si ay…

Macalinkii Arsenal Ee Arsene Wenger Oo Ugu Dambayn Sharaxaad

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa si faah-faahsan uga warramay qaabkii ay kooxdiisu ku seegtay saxeexa halyeeyga Manchester United ee Cristiano Ronaldo oo hadda dad badani u arkaan midka ugu wanaagsan abid kubadda cagta caalamka.Wenger ayaa sheegay in weeraryahanka Juventus ee haatan uu heshiis la gaadhay Arsenal kahor intii aysan saxeexiisa ka af-duubanin kooxdii Sir Alex Ferguson ee Man United.Ronaldo ayaa inta ugu badan darajadiisa halyeeynimo ku samaystay kooxda Real Madrid balse bilawga waayihiisa…

Mushaharka Uu Sanadkii Cristiano Ronaldo Ka Qaato Juventus &

Xaqiiqada ah in weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu mushaharka badan horyaalka Serie A ayaan wax layaab leh kugu noqon doonin balse arrinta fajaca leh ayaa ah inay horyaalkaas ka ciyaaraan kooxo uu ka ciyaaryahan ahaan ka dakhli badan yahay sanadkii.35 sano jirkan ayaa Juventus sanadkii mushahar ahaan uga hela lacag 31 Milyan oo euro ah, afarta kooxood ee kala ah Hellas Verona, Udinese, Spezia iyo Crotone ayaa ah kuwa hela lacag lamid ah ama ka hooseysa mida CR7.Dhab ahaantii xogtan oo laga…

Maxay Tahay Qirashada Layaabka Leh Ee Uu Kulankii Aston

Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa qaab lama filaan ah uga hadlay kulankii ay kooxdiisu dhawaan guuldarrada culus ee 7-2 ah dhabarka u saartay dhigeeda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool oo Villa Park kusoo booqatay.Grealish ayaa kulankaasi lagu sifayn karaa inuu soo sameeyay bandhigiisii ugu fiicnaa abid inta uu garoomada ku jiray maadaama oo uu shan gool ka qayb qaatay oo uu laba gool iyo saddex caawimo soo sameeyay.Guushaas ayaa ka dhigan in Aston Villa ay ilaa hadda 100% guul ah ku socoto dhammaan…

Xiddigii SHANAAD Ee Liverpool Oo Korona Fayras Ku Dhacay

Musiibada xanuunka Korona Fayraska ee Liverpool ayaa halkeeda kasii socota, waxaana uu xanuunku ka dhacay xiddigii shanaad ee safka  tababare Jurgen Klopp ka tirsan. Naby Keita ayaa noqday ciyaartoygii shanaad ee Liverpool ah ee uu xanuunkani ku dhacay, waxaana warar laga helay waddanak Guinea ay shaaciyeen in laacibkan lagu arkay calaamadaha xanuunka, sidaas darteedna uu uga maqnaa kulankii waddankiisu uu 2-1 kaga adkaaday Cape Verde ee ka dhacay waddanka Portugal, taas oo uu fadhiyey kursiga kaydka. Liverpool ayaan…

Manchester United Iyo Liverpool Oo Dejiyey Qorshe Kooxaha

Manchester United iyo Liverpool ayaa hoggaaminaya ololaha qorshe weyn oo isbeddel loogu samaynayo kubadda cagta Inigiriiska, kaas  oo saamayn ku yeelanaya horyaalka Premier League.Shirkadda iska leh Liverpool ee Fenway Sports Group (FSG) ayaa diyaarinsay dukumenti qurux badan oo loogu magac daray ‘dibu-cusboonaysiin’ oo loogu ololaynayo in isbeddelkii ugu weynaa lagu sameeyo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, tan iyo sannadkii 1992kii oo ahayd waqtigii uu magacan qaatay.Sida uu qoray wargeyska Telegraph ee…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More