Carlo Ancelotti Oo Xiddig Caan Ah Ka Dhiganaya Caawiyihiisa Shaqada

Iyadoo la xaqiijiyay in Carlo Ancelotti uu ku laabtay Real Madrid, waxaa isna xarunta kooxda ku soo laabanayo waji la yaqaano oo noqonaya caawiyihiisa koowaad.

- Advertisement -

Waxaa haatan la dhisayaa shaqaalaha tababarka ee Ancelotti kala shaqeyn lahaa Los Blancos iyadoo xiddigii hore ee Madrid iyo Liverpool Alvaro Arbeloa uu ugu cadcad yahay inuu noqdo gacantiisa midig. Arbeloa ayaa lagu yaqaanaa inuu yahay nin Real Madrid aad u jecel, iyadoo taageerayaasha ay soo dhaweyn doonaan magacaabistiisa.

Arbeloa ayaa bedeli doona Fernando Hierro iyo Zinedine Zidane oo ahaa caawiyayaashiisa Ancelotti markii ugu horeysay ee uu tababare ka ahaa kooxda. Zidane ayaa ahaa gacantiisa midig xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay iyadoo Real Madrid ay ku guuleysatay Copa del Rey iyo Champions League.

Ka dib Zidane ayaa la wareegay shaqada tababare ee kooxda Real Madrid B xilli ciyaareedkii 2014-15 iyadoo Fernando Hierro uu ka bedelay booska caawiyaha Ancelotti. Haatan iyadoo uu Ancelotti soo laabanayo, waxaa la filayaa inuu caawiye ka dhigto Arbeloa.

Daaficii hore ayaa si fiican uga hadlay soo laabashada Ancelotti isagoo ereyo fiican ku qeexay tababarihiisii hore.

“Waa nin si weyn looga yaqaano dunida” ayuu Arbeloa u sheegay Real Madrid TV. “Wuxuu mar walba xiriir fiican la leeyahay ciyaartoyda, wuxuuna dheelaa kubad weerar oo dardar leh.

“Wuxuu ciyaartoydiisa siiyaa xoriyad badan si ay u soo bandhigaan tayadooda. Kubad fiican ayaan dheeleynay markii uu joogay, waxaan ku guuleysanay La Decima, waxaan la qaadanay labo xilli ciyaareed oo waa weyn.

“Kooxihii waa kuwa si heer sarre ah u agaasiman, laakiin wuxuu sidoo kale jecel yahay kubad weerar oo soo jiidasho leh. Sidoo kale si fiican ayuu u yaqaanaa Real Madrid, wuxuu yaqaanaa sida ay kooxda u shaqeyso iyo wax walba oo la xiriira shaqadiisa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More