CAJIIB: Ederson Oo Sheegay Waxa Uu Kooxdiisa Man City Weydiisan Doono
Goolhayaha kooxda Manchester City ee Ederson Moraes ayaa shaaca ka qaaday inuu kooxdiisa weydiisan doono in loo dhiibo inuu tuuro rigooraha shanaad haddiiba ay Final-ka Champions League rigoorayaal isla gaaraan Chelsea.
- Advertisement -
Goolhayaha ree Brazil ayaa kamid ahaa xiddigaha City ee samaynayay tababarka rigoorayaasha xilli ay kooxdiisu isku diyaarinayso ciyaarta Sabtida ka dhacaysa Porto.
Mar la weydiiyay haddii uu rigoore qaadan karo Final-ka ayuu Ederson u sheegay TNT “Waxaan ku jiraa liiska (Kooxda rigoorayaasha u laagaya), uma baahni inaan aad u tababarto laakiin rigooraha shanaad anigaa qaadanaya, midka ugu dambeeya, midka go’aaminaya ayaan weydiisan doonaa”
Hore ayuu Ederson ugu kaftamay inuu isagu yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee rigoore u tuuri kara kooxdiisa Sky Blues balse tababare Guardiola uu yahay shaqsiga kahor taagan inuu masuuliyadaas qaado.
Ederson ayaa sida uu xataa Pep Guardiola qirtay ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan dhinaca rigoorooyinka isaga oo si guud ahaaneed ugu wanaagsan inuu cagtiisa bidix kubadda ku maamulo si ka duwan goolhayayaasha kale.
Goolhayihii hore ee Benfica ayaa sheegay inuu kooxdiisii ree Brazil ee Riberao u tuuri jiray xataa laadadka xorta ah balse ay taasi tahay mid laga soo gudbay.