Barcelona Oo Laba Weeraryahan Doonaysa, Bruno
Waxa wali halkiisa ka socda oo xilligii ugu muhiimsanaa lagaga jiraa xilli ciyaareedka 2020-21 iyadoo ay koox kastaaba qiyaasan karto halka ay xilli ciyaareedkan ku dhammaysan doonto, haddiiba ay koob la hoyan doonto iyo haddii ay faro-madhnaan baxayso markale.
- Advertisement -
Iyadoo xilli ciyaareedku uu halkaas marayo ayay kooxaha Yurub durtaba sii qorshaynayaan ololaha ay ku galayaan xilli ciyaareedka dambe iyagoo ka bilaabaya inay siyaasad cad kasii yeeshaan suuqa kala iibsiga xagaaga.
Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa sidii aad nooga barateen wararka xanta ah ee suuqa ku jira ee ay qoreen wargeysyada Yurub kuwooda ugu caansani xilli ay mudo ka hadhay inuu si rasmi ah u furmo suuqu.
Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa heshiis cusub u saxeexaya kooxdaas kaddib imaatinka madaxweyne Joan Laporta sida uu aaminsan yahay halyeeyga kooxda ee Rivaldo. (Sun)
Arsenal ayaan wax fursad ah u haysan inay heshiis rasmi ah kula wareegto 22 sano jirka ree Norway ee Martin Odegaard xilli ay Real Madrid u aragto mid aad muhiim ugu ah mustaqbalkeeda. (Marca – in Spanish)
Khadka dhexe ee Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa u baahan doona inuu sugo inta ay Barcelona iibinayso khadka dhexe ee ree Bosnia ee Miralem Pjanic si uu u dhammaystiro heshiiska uu Camp Nou ugu wareegayo (Sport, via Mirror)
Weeraryahanka xulka qaranka Belgium iyo kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa sidoo kale bar-tilmaameed u ah tababaraha Barca ee Ronald Koeman. (Calcio Mercato)
Liverpool ayaa loo arkaa kooxda ugu cad cad saxeexa weeraryahanka PSV ee Donyell Malen walow uu sidoo kale xiiso ka helayo Juventus iyo AC Milan. (Gazzetta Dello Sport via Goal)
Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa inuu heshiis cusub oo 3 sano ah u saxeexo kooxdaas xataa haddii uu koob la’aan ku dhammaysto xilli ciyaareedka. (Telegraph – subscription only)
Halyeeyga kooxda AS Roma ee Totti ayaa hadda u shaqayn kara ka wakiil kubadda cagta ah ahaan kaddib markii uu dhammaystiray is-diiwaangelintiisa. (Gazzetta dello Sport – in Italian)
Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u muujinaysa weeraryahyahanka kooxda Eintracht Frankfurt ee Andre Silva oo 25 sano jir ah. (Marca)
Mustaqbalka tababare Zidane ee Real Madrid ayaa ah mid shaki ku jiro, iyadoo ay Juventus iyo xulka France xiiso u qabaan inay helaan ayuu heshiiskiisa Madrid yahay mid dhacaya June 2022. (AS)
Xulka Masar ayaa shaaciyay inay doonayaan in Mohamed Salah uu uga qayb galo kulamada Olympic taas oo ka dhigan inuu kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka dambe ka maqnaan karo Liverpool. (Daily Mail)
Khadka dhexe ee kooxda Real Betis iyo Argentina ee Guido Rodriguez ayaa sheegay inuu ka warqabo doonista uu ka helayo Arsenal. (Evening Standard)
Liverpool ayaa dib usoo noolaysa doonista 27 sano jirka Real Betis ee Nabil Fekir oo ay ku dhawaatay saxeexiisa sanadkii 2018,Fekir ayay hadda sidoo kale doonayaa Rennes iyo Inter Milan. (Estadio Deportivo – in Spanish)
Manchester United ayaa rajaynaysa in xiddigeeda Bruno Fernandes uu ka caawin karo saxeexa 21 sano jirka garabka weerar ee Wolves iyo xulka Portugal ee Pedro Neto oo 40 Milyan oo pound lagu heli karo xagaaga. (Football Insider)