Barcelona Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartey Ferencvaros, SHAN
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League, waxaanay garoonka Camp Nou ku garaacday naadiga yar ee Ferencvaros oo ay qaybtii horeba ka xoogsatay guusha ciyaarta.
- Advertisement -
Barcelona oo ceeb kaga baxday tartankan xili ciyaareedkii hore ayaa uu tababare Ronald Koeman ku sameeyey isbeddel weyn oo dhinaca safka hore, waxaana goolka koowaad oo ahaa rikoodhe lagu galay Lionel Messi gool ugu sarrifay laacibkooda reer Argentina.
Gool labaad ayay Barcelona heshay dhamaadka qaybta hore oo daqiiqado kooban ka hadhsan yihiin, waxaana si xarrago leh u dhaliyey da’yarka reer Spain ee Ansu Fati.
Philippe Coutinho ayaa qaybtii dambe kooxda reer Spain hoggaanka usii dheereeyey, waxaanu dhaliyey gool uu caawintiisa lahaa Ansu Fati. Laba gool oo kale ayay Barcelona u dhaliyeen Pedri iyo Dembele oo beddel kusoo galay, waxaanay kooxda reer Spain guushu ku raacday 5-1 iyadoo hal gool oo rikoodhe ahaana laga dhaliyey.
Shaxdii labada kooxood
FERENCVAROS STARTING XI (4-2-3-1): Denes Dibusz; Endre Botka, Miha Blazic, Adnan Kovacevic, Eldar Civic; Ihor Kharatin, Aissa Laidouni; Isael, David Siger, Oleksandr Zubkov; Tokmac Nguen.
Kaydka: Gergo Lovrencsics, Franck Boli, Robert Mak, Abraham Frimpong, Somalia, Marton Banki, Lasha Dvali, Adam Bogdan, Marcel Heister, Roko Baturina.
BARCELONA STARTING XI (4-3-3): Neto; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Sergino Dest; Philippe Coutinho, Miralem Pjanic, Frenkie de Jong; Trincao, Lionel Messi, Ansu Fati.
Kaydka: Ousmane Dembele, Antoine Griezmann, Sergio Busquets, Arnau Tenas, Pedri, Martin Braithwaite, Oscar Mingueza, Ronald Araujo, Junior Firpo, Riqui Puig, Inaki Pena, Carles Alena.
Barcelona ayaa ciyaarta ku bilaabantay si xooggan, waxaanay bilowgiiba sameeyeen fursado waaweyn oo uu hormood ka ahaa laag xor ah ku dhowaaday inuu ku furo goolasha kulanka.
Ansu Fati, Philippe Coutinho iyo ciyaartoyda kale ee Barcelona ayaa fursado qaali ahaa helay, laakiin daqiiqaddii 26aad ayaa loo dhigay rikoodhe markii Lionel Messi lagu dhex riday xerada ganaaxa. Lionel Messi oo kubadda qaatay ayaa kubbad uu goolhayuhu sigay inuu qabto ku hubsaday shabaqa.
Wacdaraha Barcelona ayaa halkiisa kasii socday, waxaana gool labaad u dhaliyey Ansu Fati daqiiqaddii 42aad ee ciyaarta.
Qaybtii labaad ayuu musalsalka Barcelona sii socday, waxaana toban daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay goolka saddexaad Barcelona u dhaliyey Philippe Coutinho
CASAAN!! Difaaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa casaan toos ah ciyaarta lagaga saaray, waxaana kooxda yar ee martida ahayd ee Ferencvaros lagu abaal-mariyey rikoodhe uu u saxeexay laacibkooda Igor Kharatin.
Daqiiqaddii 82aad ee ciyaarta ayay Barcelona hoggaanka sii dheeraysatay waxaana gool afraad u dhaliyey laacibka da’da yar ee Pedri oo kubbad ka helay Ousmane Dembele oo beddel kusoo galay.
Dhamaadkii ciyaarta ayuu Dembele oo beddel kusoo galay isku qoray diiwaanka goolasha kulanka, waxaana uu u dabbaal-degay goolkiisii ugu horreeyey ee uu kooxdan u dhaliyo muddo dheer kaddib.