Barcelona Oo Dhulka Jiid-jiiday Stuttgart, Depay Oo Shabaqa Ruxay Iyo

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul weyn ka gaadhay naadiga reer Germany ee Stuttgart oo ay ciyaar saaxiibtinimo oo isku-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ah ku yeesheen waddanka Jarmalka, halkaas oo ay nus-dersin goolal ah sida daadka ugu yaacisay.

- Advertisement -

Laba gool oo qaybtii hore dhashay iyo mid waqti dambe yimid ayaa Barcelona ugu filnaaday inay ka dul-tallaabsato Stuttgart oo ay kaga badisay 3-0.

Tababare Ronald Koeman ayaa ciyaartan kusoo bilaabay saxeexiisa cusub ee Memphis Depay ee sida bilaashka ah ugu yimid xagaagan, kaas oo kulankii hore ee saaxiibtinimo ee uu ciyaarayna gool dhaliyey. Weeraryahanka reer Netherlands ayaanay waqti badan ku qaadanin inuu dego quluubta Barcelona, waxaana uu ciyaarta oo 21 daqiiqadood socota uu la saaxiibay shabaqa oo uu ku hubsaday kubaddii ugu horreysay ee ay Barcelona gool ugu dabbaal-degto caawa.

Ciyaarta oo ay inteeda badan maamulaysay Barcelona ayay daqiiqadihii ugu horreeyey ba ku bilaabatay kubbad isku-dhiibkii lagu yaqaanay oo ay markan daadihinayeen ciyaartooyo da’yar u badan oo isku muujinayay kulanka.

Fursado dhawr ah oo ay lumiyeen kaddib, Depay ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, waxaanu goolkaasi noqday midkii labaad ee uu  u dhaliyey Barcelona laba kulan oo uu u saftay. Kubbad meel fog laga soo tuuray ayuu Depay si fiican u maamulay, waxaanu ka dul-qaaday difaaca Stuttgart ka hor intii aanu laad awood badan ku liishaamin iyadoo goolhayuhuna joojin kari waayey.

Frank de Jong oo khadka dhexe ka farsamaynayay kubadda ayaa ahaa khabiirka soo naqshadeeyey kubaddaas ee meesha fog kasoo tuuray.

Antoine Griezmann ayaa goolka labaad ee Barcelona naqshadeeyey, waxaana kubbad uu ka helay Depay uu u dhiibay Yusuf Demir oo isaguna hal taabasho ugu leexiyey goolka.

Barcelona ayaa heli karaysay goolal kale qaybta hore, iyadoo heshay fursado badan laakiin kama aanay faa’iidaynin, waxaana lagu kala nastay 2-0 ay Barca hoggaanka ku haysay.

Qaybtii dambe ayaa la isugu soo noqday, waxaana awooddii iyo ciyaartii heerka sare ahayd sii wadatay Barcelona oo la timid hal gool oo kale oo ay hoggaanka kusii dheeraysatay.

Laacibka khadka dhexe ee Riqui Puig oo beddel kusoo galay ayaa waxa kubbad qurux badan u dhiibay Antoine Griezmann oo caawa ahaa caawiyaha, waxaana uu da’yarkani si qalad la’aan ah kubadda u dhaafiyey goolhayaha, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 3-0.

Stuttgart waxay qaybtii dambe heshay dhawr kubbadood oo qurux badnaa oo goolal noqon karayay, waxayse awoodi waayeen in ay xeeladeeyaan difaaca Barcelona oo ahaa mid feejigan.

Shaxdii labada kooxood kusoo galeen garoonka:

Stuttgart: Bredlow; Stenzel, Nothnagel, Kempf; Massimo, Klement, Karazor, Weil; Förster, Polster, Klimowicz

Barcelona: Neto; Roberto (Pjanic 78’), Piqué, Lenglet (Araujo 49’), Dest; De Jong (Puig 61’), Nico (Busquets 61’), Gavi; Demir, Griezmann (Manaj 78’), Memphis (Mortimer 78’)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More