Xulka Qaranka Germany Oo Xaqiijiyay Xiddig Dhaawac Uga Baxay Liiska Tartanka Euro 2024.

Germany ayaa xaqiijisay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Aleksandar Pavlovic uu isaga baxay xulkiisa Euro 2024, waxaana lagu bedelay Emre Can oo ka tirsan Borussia Dortmund.

- Advertisement -

Pavlovic ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee xulka Germany ciyaaray 3 bishan kulan saaxiibtimo Oo ay la ciyaareen xulka Qaranka Ukraine.

Kadib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee xulka xiddiga ayaa ku dhaawacmay tababarka xulka qarankiisa ee isku diyaarinta tartanka Euro 2024.

Xulka Qaranka Germany ayaa haatan Xaqiijiyay in ay xiddiga Laga Saaray Xulka iyada Oo lagu badalay xiddiga Dortmund ee Emre can.

Isagoo sharaxaya go’aanka loogu yeeray Can ayuu yidhi”Waxaan dooneynay ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah oo daafaca ah oo ku jira kooxdeena, sidaas darteed waxaan go’aansanay inaan u yeerno Emre Can”.

“Waxa uu si cad u sheegay in uu aad u faraxsan yahay isla markaana uu diyaar u yahay in uu isla markiiba kooxda ku soo biiro, waxaanu doonaynay ciyaartoy kale oo kooxda ka tirsan oo khibrad u leh isla markaana yaqaana sida loola tacaalo cadaadiska, si fiican ayuu u qaabaysan yahay”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More