Xiddig U Ciyaara Real Madrid Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa kooxda

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Joselu ayaa sheegay in uusan garanayn halka uu ka Ciyaari Doono Xilli ciyaareedka dambe Kadib markii uu kooxda kula guulaystay champions league.

- Advertisement -

Joselu, oo 34 jir ah, ayaa qaab amaah ah Ugu biiray Real Madrid sanadkii 2023 waxana uu door weyn ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxda.

Inkasta Oo uuna joogto ugu ciyaari jirin kooxda hadana goolashiisa ayaa ahaa kuwo saamayn leh.

Markii wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa, Joselu wuxuu yiri, “Ma garanayo halka aan joogi doono xilli ciyaareedka soo socda.”

Waxa uu intaa ku daray, “Riyooyinku waxa ay noqon karaan xaqiiqo, tanina waa waxa igu dhacay aniga iyo Real Madrid”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More