Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Maqan Xulka England Ka Hor Kulanka Denmark.

Xulka qaranka England ayaa war xun ka helay tababarka ka hor kulanka Denmark ee tartanka Euro 2024.

- Advertisement -

Ka hor kulanka Denmark ee khamiista waxa tababarka xulka England ka maqan daafaca Luke Shaw kaas oo la dhibaatoonaya dhaawac.

Shaw ayaan 4 bilood wax kulan ah ciyaarin laakiin waxa lagu soo daray Liiska xiddigaha England uga qayb galaya euro 2024.

Xidhiidhka FA-ga England ayaa sheegay in uu Luke shaw ka maqan yahay tababarka xulka qaranka ka hor kulanka Denmar.

“Ka hor kulanka Demark, waxa tababarka soo xaadiray 25 xiddig oo xulka England ah”ayuu FA-gu warbixin ku oo saaray.

“Luke shaw waxa uu ka maqan yahay tababarka sabab la xihdiidha in uu sii wato tababarkiisa shaqsiga ah”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More