Williams, Gordon, Ederson, Zirkzee & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsia.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

- Advertisement -

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Liverpool ayaa diyaar u ah inay Bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga kooxda Athletic Club Nico Williams, kaasoo sidoo kale ay doonayaan labada kooxood ee Chelsea iyo Barcelona (El Nacional).

Bartilmaameedka kale ee Liverpool, garabka Newcastle United Anthony Gordon, ayaa waxaa doonaya labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester United (Caughtoffside).

Arsenal ayaa dalab 40 milyan oo euro ah ka gudbisay daafaca dhexe ee Bologna Riccardo Calafiori (Corriere dello Sport).

Real Madrid ayaa u aqoonsatay daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi bartilmaameedka suurtagalka ah ee suuqa kala iibsiga, laakiin waxay tartan kala kulmayaan labada kooxood ee Barcelona iyo Juventus (Sun).

Kooxda reer Saudi Arabia ee Al Nassr ayaa dalab ka gudbisay goolhayaha Manchester City Ederson, kaasoo loo ogolaan doono inuu kaga tago Etihad (Cesar Luis Merlo).

Xiddiga khadka dhexe ee Matheus Nunes, kaas oo ay u badantahay in uu kooxda uga tago (The Athletic).

Manchester United ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee, kaasoo horey heshiis shaqsi ah ula gaaray AC Milan (Calciomercato).

Wakiilada Zirkzee ayaa ku dhow inay heshiis la galaan United, kuwaas oo doonaya inay bixiyaan lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa (Libero).

Arsenal ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Bologna ee Riccardo Calafiori (Telegraph).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta Bayern Munich iyaga oo doonaya saxiixa daafaca dhexe ee  Matthijs de Ligt (Sky Sport).

Manchester United ayaa dooneysa inay dhageysato dalabyada 31-jirka ah ee daafaca England Harry Maguire xagaagan (Talksport).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More