Thomas Partey Oo Ku Qasbanaan Kara In Uu Sii Joogo Arsenal, Sabab.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku qasbanaan karto in ay sii haysato xiddiga Khadka dhexe ee Thomas Partey sabab la xidhiidha in uuna haysan dalabyo badan Iyo kooxo badan oo doonaya saxiixiisa.

- Advertisement -

Partey ayaa la filayay in uu ka tago kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu Partey sii joogi karo kooxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo uu ka mid yahay xiddigaha Khadka dhexe ugu fiican hadana xiddiga ayaa la dhibaatooday dhaawacyo sanadihii ugu dambeeyay.

Hadii ay dhacdo in uu sii joogo kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa in ayna u dhaqaaqin saxiix Khadka dhexe ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More