Real Madrid ayaa suuqa xagaagani u xidhmay iyadoon hal ciyaartoy lasoo wareegin, waxaana kaliya furnaa albaabka bixitaanka oo dersin laacibiinteeda ka mid ah qaarna ay iibisay, kuwo kalena amaah ay ku baxeen.Los Blancos ayaa loo diiwaangeliyey rikoodh cajiib ah oo aan 40kii sannadood ee ugu dambeeyey soo marin kooxdan, waxaanay u noqotay xagaagii ugu horreeyey ee aanay wax ciyaartooyo ah lasoo wareegin muddadaas afartanka sannadood ah.Tababare Zinedine Zidane ayaa waxa kaliya oo uu koodiisa kusoo celiyey saddex ciyaartoy oo…