Kulanka Ugu Horeeya Ee Uu Enzo Maresca Hogaamin Doono Chelsea Oo La Ogaaday

Ciyaartii ugu horeysay ee ENZO MARESCA isagoo ah tababaraha Chelsea ayaa lagu wadaa inuu noqdo derby maxaliga ah ee kooxda ka ciyaartab League Two ee Wimbledon.

- Advertisement -

Labada naadi ayaa diyaarsaday kulan saaxiibtinimo oo ka horeeya xilli ciyaareedka cusub ee bisha soo socota ka dhici doona garoonka Dons’ Plow Lane ee ku yaal Koonfur Galbeed London.

Xiriirka ka dhexeeya labada deris ayaa weli ah mid dhow ka dib markii kooxda haweenka Chelsea ay u guureen garoonka kooxda Wimbledon ee  Kingmeadow Stadium ee hore ee 2020.

Maresca ayaa saxiixay qandaraas shan sano ah si uu u noqdo tababaraha cusub ee Chelsea isbuucaan, waxaana uu haatan ku jiraa fasax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More