DEG-DEG: Kyalina Mbappe Oo Seegaya Kulanka Soo Socda Ee Xulka France.

Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka France ee Kylian Mbappé ayaa seegi doona kulanka Netherlands ee tartanka Euro 2024.

- Advertisement -

Xiddiga Kylian Mbappé ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulkiisu ka badiyay Austria kulan ka tirsanaa Euro 2024.

Xiddiga ayuu dhaawac jab dhanka sanka ah ka soo gaadhay kulanka iyada oo dakhtarka la geeyay kadib ciyaartii Austria.

Haatan waxa la sheegayaa in uu Kylian Mbappé seegi doono kulanka xiga ee Netherlands sabab la xidhiidha dhaawaca soo gaadhay.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa kulamada dambe ee Euro 2024 xidhan doona maaska wajiga ilaaliya.

Wararka intaas ku daraya in sida uu sanku u caafimaado in ay go’aamin doonto in uu ciyaaro kulanka Poland ee ugu dambeeya wareega Group-yada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More