Barcelona Oo MAXKAMAD La Tagaysa Xiddigaha Kooxdeeda, Waxa Ay Ka

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay maxkamada la tiigsan karto xiddigaha kooxdeeda haddiiba ay diidaan inay wax mushahar dhimis ah oo ay kooxda ku caawinayaan dhaqaale ahaan sameeyaan.

Maamulka horyaalka La Liga ayaa hore ugu sheegay Barcelona inay u baahantahay inay aad u dhinto lacagaha ay mushahar ahaan u bixiso si ay sharciyada horyaalka u ilaaliyaan.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in dhammaan xiddigaha kooxdu aysan ku faraxsanayn inay mushahar dhimis sameeyaan, wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Barca ah sharciga la tagi doonto xiddigaha diida mushahar dhimista.

Talaabadan oo lagu sheegay mid wakhti hore timid ayay wararku sheegayaan in Barca ay ku cadaadinayso qaar kamida xiddigaha kooxda.

Daafaca bidix ee Blaugrana ee Jordi Alba ayaa la sheegayaa inuu yahay mid kamida xiddigaha ka cago-jiidaya inay mushahar dhimistaas sameeyaan.

Sidoo kale wadahadalada ay kooxdu la gashay Sergi Roberto ayaa ah kuwo meel adag maraya isaga oo aan rajaynayn inuu wax mushahar dhimis ah oo weyn sameeyo.

Dhinaca kale kooxda ayaa rajaynaysa inay xaliso mustaqbalka Samuel Umtiti iyo Miralem Pjanic kuwaas oo kamida ciyaaryahanada mushaharaadka ugu badan qaata.

Madaxweynaha Barca ee Joan Laporta ayaa ilaa 15-ka bisha dambe ee August wakhti u siiyay ciyaaryahanadu inay kooxda kula heshiiyaan arrimaha mushahar dhimista amaba ay halis u geli doonaan in sharciga ay la tagaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More