Atletico Madrid Oo Ka Hadashay Xiisaha Mohamed Salah.

madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo, ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqda isku daygii uu ku doonayay inuu kula soo wareego xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, xiddiga Liverpool.

- Advertisement -

“Mohamed Salah waa ciyaaryahan weyn mana isku dayin inaan la soo wareegno”ayuu yidhi madaxweynaha Atletico Madrid.

Madaxweynaha Atletico Madrid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Tababare kastaa waxa uu leeyahay nidaam u gaar ah oo qandaraasyada ciyaartoyda ah, mana jiraan wax wada xaajood ah oo dhex maray wakiilada ciyaartoyga Salah wakhtigan xaadirka ah.”

Wuxuu intaas ku daray: “Premier League-ga Ingriiska waa tartanka ugu xooggan adduunka, laakiin waxaa jira xad-gudubyo badan oo dhanka dhaqaalaha ah, kuwaas oo aan loo hoggaansamin halkaas.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More