Arsenal Oo Loo Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Hadii Ay Doonayaan In Ay Ku Guulaysato Premier League.

Didi Hamann ayaa aaminsan in Arsenal ay u baahan tahay inay la soo wareegto weeraryahan cusub si uu u bedelo Kai Havertz si ay ugu guulaystaan horyaalka premier League.

- Advertisement -

Arsenal ayaa 2 jeer ku dhawaatay ku guulaysiga premier League iyada oo kula tartantay Man City labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Gunners ayaa si weyn loola xidhiidhinaya Weeraryahan kuwaas oo ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

“Kai Havertz waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah”ayuu Hamann yidhi.

“Havertz ayaa xiddig fiican laakiin ma ahan weeraryahan dhamaystiran, hadii ay Arsenal doonayso in ay ku guulaysato premier League waxa ay u baahanyihiin in ay la soo saxiixdaan weeraryahan”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More