Ciidamo uu horkacayey Jeneraal Saadaq Joon oo la wareegay de…

Cadaado (Axadle) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay gudaha u galeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi, kadib markii ay weerareen deegaankaasi.

Camaara oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa saaka la wareegay ciidamada huwanta, waxaana horkacayey saraakiil sar sare oo uu ka mid ah yahay General Saadaq Joon oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo waramayaa inay dagaal kooban la galeen Al-Shabaab, waxaana, kadib u suuragashay inay qabsadaan deegaankan oo ah mid istaraatiiji ah.

Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, isla-markaana ay wadaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab, kadibna uu dagaal ka dhaco halkaasi.

Howl-gallada milatari ee ka socda deegaanada Galmudug oo uu haatan ku biiray General Saadaq Joon ayaa ah kuwa la doonayo in looga adkaado dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Camaara oo marar kala duwan ay isku bedaleen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa u dhow deegaanka Bacaadweyne oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta.

Mudug oo ay howl-gallada xoogooda ka socdaan ayaa waxaa sidoo kale ka jira is uruursi ay wadaan xoogaga Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More